Khilaaf soo kala dhexgalay Xildhibaannada mooshinka ka waday Jawaari.

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Guddoomiye Jawaari ayaa ku kala qeybsamay kulanka maalinta berri oo Arbaco ah loo balansan yahay, kaasoo qorshihiisa yahay in la geeyo Mooshinka, iyadoo laga cabsi qabo in buuq iyo fowdo uu ka dhasho.

Arrintan waxaa ay soo baxday kaddib markii qaar ka mid ah Xildhibaannada Mooshinka ka wada Jawaari ay soo jeediyeen in maalinta Berri oo Arbaco ah ay qabanayaan kulanka Golaha shacabka ee mooshinka Jawaari.

Qaar kale oo ka mid ah XIldhibaannada Mooshinka wada ayaa iyana ku doodaya in ay muhuumtahay in Xildhibaannada mooshinka wada ay tahay in ay ka war sugaan dhex dhexaadinta uu wado Madwxeynaha iyo wadahadallada lagu ballamay wixii ka soo baxa.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in maalinta Berri ah ay Mooshinka geynayaan Golaha shacabka islamarkaana Guddoomiye Jawaari uu leeyahay wixii u soo baxa.

Dhinaca kale Xildhibaan Cabdullahi Sheekh Ismaaciil oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha shacabka ee Mooshinka ka wada Jawaari ayaa Xildhibaannada ay isku aragtida ka yihiin Mooshinka ku dhaliilay go’aanka ay berri ku geynayaan Golaha shacabka Mooshinka ka dhanka ah Jawaari.

“Anaga waxaa qabaa in laga war sugo dhex dhexaadinta Madaxweynaha wado, dadka dhahaya Mooshinka Arbacada la keenayaa waa degdegsan yihiin, qaarkood waxay rabaan intii arrintan jiitami laheyd dhaqse lagu kala baxo, waana ra’yi shaqsiyadeed”ayuu yiri C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo la hadlayay Radio Mustaqbal.

Waxaa uu sheegay in wada hadalka uu ku rajo weynahay in laga gun-gaaro, isla markaana si aqbalaad leh ay arrinta ku dhamaato.

Xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil ayaa wali ku doodaya in Guddoomiye kuxigeenka 1aad C/wali Muudey uu wali haayo howsha maamulka, maadaama uu Guddoomiye Jawaari mooshin ka yaalo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com