Khilaafka madaxda DFS oo sababay in uu Xasan Sheekh ka baaqdo…!

Muqdisho (Caasimada Online) Iyadoo uu cirka isku shareerayo khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha Soomaaliya, ayaa ilo ku dhow dhow xafiiska Madaxweynaha waxa ay Warbaahinta u sheegeen in madaxweynaha uu ka baaqday shirka hoggaamiyaasha Afrika iyo Carabta oo toddobaadkan ka dhacaya caasimada dalka Kuwait ee Kuwait City.

Sida qorshaha uu ahaa shirka waxaa Soomaaliya uga qaybgali lahaa Madaxweynaha balse khilaafka isaga iyo Raysal Wasaaraha ayaa sabab u noqday in uu ka baaqdo isla markaana badalkiisa uu baxo Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari.

Faah-faahin ku aadan baaqashada Madaxweynaha ee shirka Kuwait lama hayo, laakin waxaa jirta in uu doonayo siddii uu soo afjari lahaa khilaafka isaga iyo Raysal Wasaaraha sida ay lee yihiin ilaha warkan ka soo baxay.

Dhinaca kale, khilaafka Madaxweynaha oo hadda u muuqda mid aan wax laga qaban karin waxaa loo gudbin doonaa xildhibaannada baarlamaanka kuwaasoo codka kalsoonida kala noqon doona ama siin doona ra’iisal wasaaraha.

Madaxweynuhu wuxuu ku adkeesanayaa in uu xafiiska ka tago raysal wasaaraha, halka Saacid uu lee yahay ilaa inta kalsoonida aan ka weynayo mudanayaasha baarlamaanka waan sii joogi doonaa xafiiska.

Si kastaba, Waxaa hadda Kuwait ku sugan Wafdi ay hoggaamineyso Raysul wasaare ku-xigeen, ahna wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya.

Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa Jimcihii magaalada Kuwait  kula kulantay  dhiggeeda dalkaas Sheekh Sabah Khaled Al-Hamad Al-Sabah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com