Shirka Cadaado oo gudi kale looga dhawaaqay & xaaladda oo cirka isku shareertay (Faah-faahin)

Cadaado (Caasimada Online)– Waxaa wali sii kordhaya xiisada ka dhalatay kala deristii dhawaan ay saxiixayaasha maamulka gobolada dhexe kala direen gudiga farsamada maamul u sameynta gobolada dhexe.

Odayaal maanta shir ku yeeshay magaalada Cadaado ayaa sheegay iney sameysteen gudi ka madax banaan gudiga farsamada maamul u sameynta gobolada dhexe.

Madoobe Ow Jaamac oo kamid ah waxgarad ku shiray magaalada Cadaado ayaa sheegay iney sameysteen gudi odayaal ah oo wax ka qabanaya dhismaha maamul u sameynta gobolada dhexe.

Qaar kamid ah musharixinta ku sugan magaalada Cadaado ayaa dhankooda sheegay iney sameynayaan gudi ay ku mideysan yihiin waxgaradka magaalada iyo musharixiinta ku sugan Cadaado.

Xaalada Siyaasadeed ee maamulka gobolada dhexe loo dhisayo ayaa u muuqaneyso mid sii xoogeysaneysa xiisada ka taagan magaalada Cadaado, iyada oo gudi walbaa uu yahay mid isku heysta inuu yahay midka saxda ah.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com