Kiisas badan oo CUDURKA CORONAVIRUS ah oo laga helay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay inay kordheen kiisaska cusub ee cudurka COVID-19 ee 24-kiis laga diiwaan geliyey gudaha Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa sheegtay in maanta cudurka Coronavirus laga helay 54 qof oo ku sugan gudaha Soomaaliya. Wasaaradda ma diiwaan-gelin wax dhimasho ah oo la xiriirta COVID-19, 24-kii saac ee tegay.

Guud ahaan 54 qof oo ay wasaaradda sheegtay ayaa ah kuwa ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

40 kamid ah dadka cusub ee cudurkaan laga helay ayey wasaaradda ku sheegtay inay yihiin Lab, halka 14 kalana ay yihiin Dhedig.

Tiradaan cusub ayaa ka dhigan in guud ahaan dadka Soomaaliya ku sugan ee cudurkaan laga helay inay gaarayaan 582, waxaana soo bogsaday 20, halka 28 qof oo kalana ay u dhinteen sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka.

Soomaaliya ayaa hadda ah dalka laga diiwaan-geliyey tirada ugu badan ee dhimashada kiisaska COVID-19 ee dalka Bariga Afrika, waxaana ay kaalinta labaad kaga jirtaa tirada kiisaska guud ayada oo ku xigtay Jabuuti.