Sidee ayuu xaalka Kismaayo xalay ahaa, saakese waa sidee? (Warbixin)

Kadib dilal  ka dhacay Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubada hoose ayaa waxaa ay soo dadajisay taas in degmadaas uu ka dhaqan galo bandow waqtigiisa la ogayn inta uu ku egyahay.

Saraakiisha Dowlada ayaa ku Micneeyay bandowgan inuu ka dambeeyay kadib markii Magaalada Kismaayo shalay ay ka dhaceen dilal kala duwan kuwaasi oo loo geestay dad shacab ah.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay xalay sameeyeen roondooyin ku aadan sugida dhanka ammaanka Magaaladaasi iyadoo aysan jirin cid ay kusoo qab qabteen howgalkaasi.

Habeenkii Xalay ayaa la arkayay iyadoo Ciidamada ay ku dhex roondaynayeen magaalada.

Maqribkii shalay ayaa lagu dhawaaqay iyadoo Mikrifoono codbaahiyaal loogu sheegayay dadka, waxaana shacabka reer Kismaayo xalay waqti hore guryahooda lagu amaray   inay galaan.

Kismaayo ayaa  u muuqata inay isku badalayso Meelo kamid ah dalka oo dhiiga uu ku daadato Sida Muqdisho oo dagtay hada.