Koonfur Galbeed oo qabatay doorashada kursiga Prof. JAWAARI- Yaa kusoo baxay?

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo waxaa ka socota doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka, iyada oo goor dhow la doortay kursiga afaraad xubnaha baarlamaanka ee kasoo galaya dhanka maamulka Koonfur Galbeed.

Kursiga doorashadiisa la qabtay ayaa ah Hop#103, kaas oo uu horay ugu fadhiyey guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Doorashada kursigan ayaa waxaa ku soo baxay Maxamed Cali Xasan, wuxuuna helay 78, halka musharrax Mukhtaar Cali Ibraahim oo la tartamay uu isna helay 18 cod, sidoo kale waxaa halaabay 4 cod, sida uu shaaciyey guddiga doorashada ee maamulka K/ Galbeed.

Maxamed Cali Xasan ayaa ah wasiirka howlaha guud dib-u-dhiska iyo guryeynta Koonfur Galbeed, wuxuuna ka mid yahay xubnaha sida aadka ah ugu dhow Lafta Gareen.

Qabashada doorashada kursiga iyo guusha Maxamed Cali ayaa uga sii dareysa xiisadda ka taagan kursigan iyo cabashada Jawaari, taas oo gaartay guddiga doorashooyinka heer federaal oo shalay ku dhowaaqay in la hakiyey doorashada kursigaas, walow Koonfur Galbeed ay ku gacan seertay, iayna qabatay doorashada, taas oo uga sii dareysa dooda.

Dhinaca kale doorashada ayaa haatan soo soconeysa, waxaana la guda-galay kuraasta xigta ee kala ah HOP189 oo uu horay ugu fadhiyay Sheekh Aadan Madoobe, HOP041 oo uu ku fadhiyey Idiris Cabdi Dhaqtar & kursiga HOP042 oo ay horay ugu fadhisay Hani Maxamed Aadan.

Koonfur Galbeed waa maamulkii 2aad ee guda-gala doorashada xubnaha Golaha Shacabka, waxaana ka horeeyey Galmudug oo iyana cabasha ay ka timid kuraasta qaar ee la doortay.