Koonfur Galbeed : Siyaasad Hal Reer Ku Kooban (Xeeladii Shariif Xasan ee Aqalka Sare

Waa maqaalo taxano ah oo lgu lifaaqi doona qabka guracan ee loo maamuley xullidda Aqalka Sare Maamulka Koonfur Galbeed ee Doorashada 2016, Soomaliya

Haddii Waraabe Garta Araminayo Riyuhu waxba ma helaan. ”Maah Afrikaan Ah”

Shariif Xasan Sheekh /Madaxweynaha KGS

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya wuxuu noqdey gobolkii ugu horeeyey ee soo gudbiyey liiska mushariinta Aqalka Sare u matalaya Koonfur Galbeed Doorashada 2016. Waxaa la soo gudbiyey liiska xilligii loogu tala galey, isla markaana ka muuqatey qoondada boqolkiiba 30% ee Haweenka Soomaaliyeed loogu tala galey.

Shariif Xasan: Madaxweynaha Koonfur Galbeed
Shariif Xasan: Madaxweynaha Koonfur Galbeed

Habsamida liiska loo soo gudbiyey waxay Maamulka Koonfur Galbeed ku heleen amaan kaga timid dhinacyo badan, ee bulshada caalamka ee ku hawlan arrimaha Soomaaliya. Xilliga liiska la soo gudbiyey waxay aad ugu fiicneyd ugana horeeysey iska horimadka siyaasadeed ee hareeyey Maamul Goballedyo kale, sida Gal-Mudug, Jubbaland iyo Puntland.

Sababta ugu weyn ee uu liiskan u soo degdedey waxay aheyd : Musuqmasuq iyo Khiyaamo hoos socotey.

Haddaba waxaan qeexaya una guda gelayaa sabataas oo ah arrimo salka ku haya khiyaamo, been , laluush , musuq, handadaad iyo bahdilaad lagu sameeyey bulsha weynta ku hoos nool Maamulak Koonfur Galbeed ee Shariif Xasan Madaweyne u ka yahay.

Guddiga Doorashada Qaranka ee Soomaaliya waxaa ku jira afar qofood oo matalaya Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Afartuba waxay ka soo jeedaan Beesha Mirifle. Taasi macnaaheeda waxa tahay, beelah dega Shabeelaha Hoose sida beelweynta Digil iyo Biyomaal ma jiro qof matalaya oo ku jira gudigaas. Guddigaas waxaa madax ka ah lama taabtan , Maxamed Cabdullaahi Mursal oo ah Wassiro Dawlaha Xafiiska Madaxweynaha ee Koonfur Galbeed. Waa wiil dhallinyaro ah aan khibrad siyaasad laheyn ka hor intuusan adeerkiis u magacaabin jagadaas.

Maxamed Cabdullaahi Mursal : Wasiir Dawlaha Xafiiska MAdaxweynaha KGS
Maxamed Cabdullaahi Mursal : Wasiir Dawlaha Xafiiska MAdaxweynaha KGS

Maxy tahay sababta Wasiir Dawlo uu madax uga noqonayo Guddi Farsamo oo shaqo doorasha loo dhaariyey ? Waa arrin lala yaabey oo dad badan ka fajacisey.

Xaqiiqda waxay tahay reerka uu ka soo jeedo Wassiir Mursal ayaa ka arimiya hawlaha aqalka Madaxtooyada Koonfur Galbeed oo cidna ka hor imaan karin, waxaan gurbaanka u haya oo guudka saaran Madaxweyne Shariif Xasan. Maamulka Koonfur Galbeed, wuxuu noqdey meel hal reer kibir ku maamulaan, kuna taajirey hantida ummmadda.

Shariif Xasan ayaa magacaabo ama ka takhalusa qofka uu doona , qofna dood kama keeni karo. Waxa kale oo jira koox uu sameystey oo durbaanka u tuma una ah maqaar saar been abuurka Maamulka u xilsaaran. Dadkaas oo magac Suldaan Beeleed huwan waxay qeyb ka yihiin hagardaamada oo hormuudka ka yahay Shariif Xasan ee lagu hayo beelaha ku hoos nool Maamulka Koonfur Galbeed. Haddaba yaa ka mid ah shaqsiyadaha qeybta ka ah dulmiga lagy hayo ummada Soomaaliyeed ee ee hoos yimaada Koonfur Galbeed ?

Reerka Ibroow

Suldaan Warsame Ibrow
Suldaan Warsame Ibrow

Warsame Ibraahim Caliyow, waa Suldaanka beesha Jiiddo oo ka mid ah beelweynta Digil. Wuxuu haysta dhalsho Mareykan wuxuuna degan yahay Minasota oo xaas iyo caruur u joogaan. Wuxuu ku shaqeysta hay’adaha mashaariicda maal gelinta dhallinyarda. Warsame wuxuu ka soo jeedaa, Degmada Qoryooleey. Wuxuu ka dhaxley jagada Suldaan aabihii oo geeriyoodey sanadkii 2012.

Warsame Ibraahim Caliyow waa Kuma ?

Warsame, wareysi u siiyey TVga Somali Maay TV ee ka soo baxa magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesoata, wuxuu ku sheegey inuu siyaasadda jecel yahay, kuna takhasusey culuunta siyaasadda. Ayaan darro se dulmi ayuu soo bartey. Warsame xilligan wuxuu ku suagan yahay magaalada Baydhabo oo uu qeyb ka yahay isbaheysi siyaasadeed beelaha ku nool Koonfur Galbeed lagu dulminayo . Haddaba maxaa ka mid ah dulmigaas:

  1. Sayid Cali Ibraahim Xasanow – waa ku xigeenka Guddiga Doorashada Maamulka Koonfur Galbeed. Waa ina adeerka Suldaan Warsame, aqoon iyo khibrad siyaasadeed midna ma laha.
  2. Zamzam Ibraahim Caliyow

Waxay xubin ka tahay xildhibaanada lagu soo darey, i Aqalka Sare ee matlaya Koonfur Galbeed. Suldaan Warsame iyo Zamzam waa ilmo adeer. Magaceeda saxda ah oo ku tala gal iyo dhagar baa loo bedeley, waxaana lagu magacaabey Zamzam Ibraahim Cali, aqoon iyo khibrad siyaasad midna ma laha, waa qof da’ dar waxa ay dhalatey muddada dalka soomaliaya burburka ka socdey. Waa xaqiiq. Hooadeed waa Kuushow Caliyow Inroow ( ha iloobin magacyada Ibrow kuwo badan baa soo socda) Waxaa booska looga qaadey oo la handadey Aniisa Diidow, oo iyana Beesha Jiiddo ka soo jeedda.

( fari kama qodna faanoole, weli waxaan ku jirna Ibrow Family)

  1. Saalim Caliyow Ibroow, Suldaan Warsame Adeerkii, waxaa loo balan qaadey inuu ka mid noqon doono Xildhibaanda loo soo xuli doona Dawladda Federaalk. la soco goor dhow. Maaha Kaftan Saalim Caliyow Ibroow waxaa la dhashey Kuushow Caliyow Ibroow oo ah hooyada dhashey Zam Ibraahim Caliyow. Akhristaha maqaalkan ma ila socotaa weli ?

Haddaba maxaa ka dhaxeeya 16ka Xildhibaan oo 8da laga xushey oo uu Shariif Xasan soo qorey marka la barbar dhigo Maamul Gobaleedyada kale ee dalka ka dhisan ?

Timiro M. Ali: Xubin ka mid ah Aqalka Sare oo ka socota Koonfur Galbeed
Timiro M. Ali: Xubin ka mid ah Aqalka Sare oo ka socota Koonfur Galbeed

Waa marka koowaad waa dad aan khibrad siyaasad iyo aqoon midna aan laheyn , marka xiga waa dad aan marnaba ka hor imaan karin Shariif Xasan haba yaraatee oo gacantiisa ku jira uguna tala galey inuu u meersho wuxuu rabo xilliga doorashado ama iib geeyo codkooda. Qaar ka mid ah 16kii hore Aqalka Sare ee xildhibaanda la soo xuley waxay ahaayen maqaar saar loo ekeysiiyey doorasha xalaal ah, waxaa ka mid ahaa Timiro Maxamed Cali oo jaad wali ka ah Bay iyo Taksiilw caan ah oo la wada yaqaan. Runtii waa dad Soomali ah oo xaq u leh jago siyaasadeed laakin waa haddii ay mudan yihiin. Laakin kuwani waxaa loo keensadey ii tuma durbaanka.

Haddaba maxa tahay tallaabada xigta ee dhinca siyaasadda ee Maamulka Koonfur Galbeed ? Waa xullidda Xildhibaanda Fedraalka. Saadaashu aad bey u xuntahay sida la wada ogyahay. Sababtu maxay tahay ?

Shariif Xasan waxaa xaqiiqa ah oo laga soo wariyey in qofkii doonayo jago Xildhibaan Fedraalka ah uu ku talao galo inuu bixiyo $50,000 ( kontan kun oo doolar) Waliba waxaa dheer inuu yiri Shariif Xasan waan u naxriisanyaa dadkey $100,000 ayaan qorheeyey laakin beelaha Digil iyo Mirifle ma awoodaam qiimahaas. Sida Gal Mudug iyo Puntland hanti ma hestaan. ( Allah naxriis badanaa odayga ).

Shariif Xasan wuxuu ku dhawaaqi doonaa inuu musharax Madxweyne yahay. Waxa uu ku jirey diyaar garow adag uu jagaadas ku rabo. Run ahaantii wuu ogyahay in fursadiisa yartahy laakinse ujeedada ugu weyn uu u galayo tartanka waa dulaanimo uu cod kala iibiyo oo ah hawl uu weligii ku caan baxey. Waxaa kale laga xigtey Shariif Xasan in walaakiis Maxamed Xaaji Caabdi Nuur uu la rabo inuu ka dhigo Raiisal Wasaare ( ma xuma hamiga Koonfur Galbeed).

Waxaa kale xusid mudan dhacdo yaab leh oo Raisal Wasaare Cumar Cabdirashiid oo xulafo tuugo isla ah Shariif Xasan uu Wasiirka Caafimaadka ee Dawladda Federaalak Xaawo Mxamed ka wareejiyey bishii Juun 2016, si uu Shariif Xasan walaalkii Madeer uga dhigo Wasiirka uu hadda ku fadhiyo jagadaas.

Gunaanad

Maamulka Koonfur Galbeed waa xero uu leeyahy Shariif Xasan, una maamulo sida uu doono. Wuxuu mar waliba xaqiijiyaa inuu ka cirib tiro iskana fogeeyo qof waliba oo karti am aqoon leh inuu ka mid noqdo Maamulka Koonfur Galbeed. Ma tixgeliyo deeq bixiyaasha, oo wuu fahmey sida loo majr habaabiyo shuruucda loo dejiyey maamul u sameynta Sooomaaliya.

Bal ugu dambeyntii waa su’aal, ma sheegi kartaa Maamul Goboleekii ugu horeyey ee soo gudbiyey liiska Musharaxiinta Xildhibaanda Aqalak Sare ?

Waxaan hubinayey inad ila socotid weli

Qoraa : Xasan Maxamed Abuukar

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com