Kooxda Farmaajo oo ka jawaabtay sheegashadii Kheyre ee libinta ciidamada

Kadib ku dhowaad laba bil oo ay aamusnaayeen kooxda madaxweyne Farmaajo ayaa qaaday tallaabo ay kaga fal-celinayaan sheegashada ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ee libinta dib qaabeynta ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa 26-kii July qaaday tallaabo aan caadi ahayn, oo ra’iisul wasaaraha uu ku sheeganayo mansabkii madaxweynaha ee taliyaha guud ee ciidamada xoogga dalka.

Waxay soo saareen muuqaallo ka kooban laba qeyb oo luuqadaha Soomaaliga iyo English-ka ah, oo cinwaan looga dhigay “Dib u dhalashada libaaxyada Geeska Afrika.”

Muuqaalladan ayuu Kheyre ku sheegtay in isaga uu leeyahay dib u qaabyenta ciidamada xoogga dalka, sida diiwaan gelinta habka casriga ah ee raadka faraha, bixinta mushaharka, yareynta musuq-maasuqa iyo ka-saarista ciidamada ee tiro badan oo aan jirin oo magac ahaan un u qornaa.

Inkasta oo ay jirto in Kheyre uu kaalin ku lahaa dib qaabeynta ciidamada, haddana dad badan ayey la-yaab ku noqotay inuu kaligiis isku kobo, kana tago madaxweynaha, kadibna xirto tuutaha ciidamada, islamarkaana isu-muujiyo inuu yahay taliyaha guud ciidamada xoogga dalka, oo ah mansab uu gaar u leeyahay madaxweynaha.

Xafiiska madaxweynaha ayaa ugu dambeyn maanta ka fal-celiyey tallaabada uu qaaday Kheyre, wuxuuna soo saaray muuqaal la mid ah kii Kheyre, oo madaxweynaha uu ka dhex muuqdo, laguna sheegay in madaxweynaha uu leeyahay libinta dib u qaabyenta iyo guulaha ciidamada ay gaareen.

Muuqaalka kooxda Farmaajo ayaa si cad jawaab iyo diidmo ugu ahaa damaca ra’iisul wasaare Kheyre.

Labada muuqaal ee labada dhinac ayaa farqiga u dhaxeeya kaliya waxa uu yahay in madaxweynaha uu adeegsaday taleefishinka qaranka, halka muuqaalka Kheyre oo xafiiskiisa uu sameeyey ay baahiyeen warbaahin gaar loo leeyahay oo lacag lagu siiyey. Muuqaalka Kheyre ayaa sidoo kale habka loo diyaariyey iyo qaabka loo jar-jary (Video editing), waxa uu aad uga xirfad sarreeyaa kan kooxda madaxweynaha, waxaana ka muuqata lacagta xooggan ee ku baxday.

Dadka fallan-qeeya siyaasadda ayaa rumeysan in ra’iisul wasaaraha oo la rumeysan yahay inuu madaxweyne isku sharxi doono 2021-ka uu soo hormariyey waqtigii ololaha doorashada, islamarkaana kaaga daran’e sheegtay mansabkii madaxweynaha Kheyre.

Ololaha Kheyre, oo hadda si xowli ah ku socda, ayaan ku koobneyn kaliya arrimaha ciidamada, waxaana qeyb ka ah dadaallada uu ka wado Galmudug, dadaalkii uu ku fashilmay ee ayada oo aan madaxweyne Farmaajo raali ka ahayn uu heshiis kula galay Axmed Madoobe, iyo booqashada uu toddobaadyadii dhowaa ku bixinayey magaalooyin dalka kal mid ah, oo lacago ugu deeqayey.

Dad Kheyre ku dhow ayaa laga soo xigtay in damaca madaxweyne uu Kheyre ku jiray tan iyo maalintii uu xafiiska fariistay, hase yeeshee uu si tartiib ah ololihiisa si hoose ugu billaabay horaantii sanadkan, haddana uu sii xoogeysanayo.

Damaca Kheyre ayaa wiiqi kara howlaha dowladda muddada sanadka iyo barka ah ee u harsan, waxaana dadka Kheyre ay soo jeediyeen in haddii uu go’aansaday inuu isu sharxo madaxweyne ay habboon tahay inuu is-casilo oo uu taas xoogga saaro, balse ay khalad tahay inuu damaaciyo kursiga ninkii xilka ku aaminay, islamarkaana hantida dowladda uga faa’iideysto sidii uu kursigiisa kula wareegi lahaa.

Hoos ka daawo muuqaallada labada dhinac, waxaana soo horeeye kan Kheyre.
Muuqaalka Kooxda Kheyre

Muuqaalka Kooxda Farmaajo

Tifaftirka Caasimada Online
Muqdisho, Soomaaliya