Awoodda cusub ee Ciraq: Kooxda ISIS oo ku wajahan magaalada BAGDAAD

Dalka Ciraaq wararka ka imaanaya waxay tilmaamayaan in kooxda islaamiga ah ee ISIS ay sii waday dagaalka ay ugu jirto in ay la wareegto caasimada dalkaas ee Baqdaad.

Waxaa la tilmaamayaa in lagu hakiyey kooxdan magaallada Samarraa oo ilaa laba sacadood u jirta magaalada Baqdaad.

Waxay kooxdan horay u soo qabsatay magaalooyinka Muusul iyo Tikrit. Waxa sidoo kale lagu soo waramayaa in caasimada labaad ee dalka ee Muusil ay dadka ka qaxayaan.

Waa koox sunni ah oo jihaad doon ah oo alqaacida ka goa’day oo la sheegayo in la asaasay sannad ka hor.

Waxay kooxdan wacad ku martay in ay xukuumad islaami ah ku samayn doonto waddamada Ciraaq, Suuriya iyo waddamada deriska la ah.

Waxay sidoo kale aad ay ugu xoog badanyihiin waqooyiga dalka Iraaq, halkaas oo ay xittaa dad islaam ah oo reer galbeedka oo ay ka mid yihiin dad British ah ay u dagaalamayaan kooxdan.

ISIS waa ay sii xoogaysanaysay shantii bil ee la soo dhaafay kaddib markii ay la wareegtay magaalada Fallujah.

Balse damacooda iyo hadafka ay leeyihiin intaas waa uu ka ballaaranyahay oo waxay kooxdani doonaysaa in ay samayso maamul ku salaysan khilaafo islaami ah oo ka taliya waddamada carabta, ayna maamulkaasi gaarsiiyaan Israel iyo waqooyiga afrika.

hoggaamiyaha kooxdan oo la yiraahdo Abu Bakar al baqdaadi waxa loo arkaa on uu yahay nin caqli badan oo xeelad badan oo ku soo gubtay dagaalka tan iyo markii uu ku biiray kacdoonka wixii ka dambeeyey markii maraykanka uu ku duulay Iraaq 10 sanno ka hor.

Dadka walaaca ka muujiyey dhaqdhaqaaqa kooxdan waxa ka mid ah xoghayihii hore ee QM Kofi Annaan oo sheegay in uu hadda ka hor ka digay in haddii xal loo heli waayo mushkilada Suuriya, in dhibaatada ay ku fidi doonto gobolka intiisa kale.

Hasayeeshe iyadoo waxaa oo dhan ay dhacayaan oo ay kooxdan la wareegtay caasimaadda labaad ee Ciraaq, ayaa waxa la yaab ah in aanay weli jirin cid reer galbeed ah oo hadal hayso in faragelin militari lagu sameeyo Ciraaq ama Suuriya toona.

Britain ayaa arrintaasi meesha ka saartay Maraykanka waxa uu ugu baaqay militariga Ciraaq in uu wax ka qabto xaaladda taagan.

Caasimada Online

Xafiiska Qaahira

Caasimada@live.com