Dad loo qabtay dilka Taliyaha Hiiraan.

Dad ayaa loo qabtay dilka Taliyihii Ciidamada Booliska ee magaalada Beladweyne ee xarunta gobolka hiiraan oo maalintii shalay la dilay.

Dilkan ayaa waxaa lagu tuhmayaa inay kadambeeyeen Ciidamo dowlada Soomaaliya ka tirsan oo Hiiraan jooga.

Gudoomiye kuxigeenka dhinaca Amaanka ee Gobolka hiiraan Axmad Cabdala Inji oo warbaahinta Muqdisho la hadlay ayaa sheegay in dad badan oo kuluglahaa dilka taliyaha la qabtay Xabsina la dhigay.

Wuxuu sheegay in kooxaha gacanta lagu hayo ee dilay Taliyaha Ciidamada Booliska Hiiraan baaritaano badan lagu samayn doono lana horkeeni doono Maxkamad.

Axmad Inji ayaa beeniyay oo Meesha ka saaray in Taliyaha waxa dilay ay ahaayeen Ciidanka dowlada soomaaliya,waxaana uu dilka taliyaha dusha uga tuuray Kooxo burcad ah.

Askari ka tirsan ayaa la sheegay inuu ka dambeeyay dilkaas kuwaa oo ka carooday Taliyaha oo ka xanibay in Isbaarooyin ay dhigtaan wadooyinka