Korneyl aad ugu dhow Farmaajo oo kursiga ku haystay Fartaag

Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Korneyl Aadan Axmed Xirsi (Aadan Rufle) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo ayaa ku dhawaaqay in uu u sharaxan yahay kursiga uu ku fadhiyo Senator Cabdillaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, oo ka mid ah Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya.

Senator Fartaag oo laga soo doorto deegaanada Jubbaland ayaa mar kale u sharaxan kursigaasi, iyadoona si dhow loola xiriiriyo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

“Waxaan doonayaa maantay inaan cod dheer ku iraahdo kursi anigu aan lahaa oo dhac iiga maqnaa baan musharax u ahay, waa kursiga Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag uu ku fadhiyo, oo markii hilbaha la qaybsaday qoys ahaan aniga ii soo raacay,” ayuu yiri Korneyl Aadan Axmed Xirsi, oo aad ugu dhow madaxweyne Farmaajo.

Isagoo ka waramayay sida uu kursigaasi kaga maqan yahay ayaa wuxuu yiri “Sanadkii 2016 Damul Jadiid, Gabre, Maxamed Cabdi Afey iyo gafuur culus baa dhacay kursigaas, niman wadaaddo oo masaakiin ah, oo qurbajoog iyo macalimiin isugu jira ayaa la yiri kursiga doonta, maadaama ragga halgamiya aysan Kismaayo taggi karin oo Kenya ay haysato. Nimankii wadaadada ahaa guryihii ay jooggeen inta ciidamo la hordhigay baa loo indho gaduudiyay, ka dibna Damul Jadiid, Gabre iyo Maxamed Cabdi Afey waxay siiyeen ninka la yiraahdo Fartaag.”

Waxa kale oo uu yiri “Dadka Jubbooyinka waxaan u sheegayaa afar sano iyo afar bilood kurisgaasi waa kii la’idinkula dagaalamayay oo Militariga Kenya lagu garab taagnaa, oo dhulkeena, dadkeena iyo maalkeena lagu baabi’inayay Magaalada Kismaayo iyo inta ka dhaxeyso Doolow. Kursigaas baan u taaganahay anigoo ah Aadan Axmed Xirsi (Rufle).”

Sidoo kale Xukuumadda iyo Guddiga Doorashooyinka ayuu ugu baaqay inuu cadaalad ka doonayo, si kursigaasi dib loogu soo celiyo heybta uu ka maqan yahay.

“Xukuumadda Soomaaliyeed, Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Guddiga Doorashooyinka cadaalad baan ka sugeynaa oo kursigaasi isaga ah oo qoyskii lahaana ka maqan, sida aan ku heli karno oo cadaalad ah baa la idinka rabaaa” ayuu yiri Korneyl Aadan Rufle oo Warbaahinta ka soo muuqday.

Shacabka reer Gedo ayuu uga digay ciidamada cusub ee loo keenayo, kuwaa oo sida uu sheegay lagu baadi-goobayo wixii Kismaayo laga rabay.

“Haddii taa ayada ah la waayo waxaan dadka degan Gobolka Gedo uga digayaa waxa loo keenayo ciidamada gafuur culuska ah ee horta leh oo wixii Kismaayo laga rabay Gedo loogu soo raray baan rabaa inaan u sheego dadka Gedo degana” ayuu yiri Korneyl Aadan Rufle.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Guud ahaan dadka Gedo degan waxaan leeyahay kursigii baan u taaganahay naf iyo maalba in la’i garab istaago oo kursigaa la’ila raadiyo, anna aan ballanqaaday inaan dalka, dadka iyo diinta ku difaaco. Dagaalka marba heer buu jooggaa, mar wuxuu jooggaa nin qalin leh, qoolkiisana la qabto, marna wuxuu jooggaa qori, marna waa la’isku daraa. Waxaan ballanqaadayaa anoo Senator ah inaan gafuur culusta iyo cadowga kula dagaalamo kursigaas, haddii aad ila doontaan, qayb ahaana aan u leeyahay, qorshe ahaana in dadkeyga lagu laayo ay Kenya u bixisay.”

Aadan Rufle ayaa ka mid ah Saraakiisha fara ku tiriska ee Militariga Soomaaliyeed ee mucaaradsan Jubbaland, wuxuuna aad ugu dhow yahay madaxweynaha Soomaaliya ee waqtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.