Kulan ay lacag ku bixisay dowlada oo loogu hanjabay xildhibaanada Ahlu-Sunna

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Odayaasha saxiixay qaar kamid ah xildhibaanada Galmudug ayaa ugu goodiyay xildhibaanada Ahlu Sunna ugu jira Baarlamaanka Galmudug in ay badali doonaan haddii ay kusoo xaroon waayaan muddo 12 saacadood ah.

Odayaashaan oo kulan ku yeeshay xarunta Gudigga doorashada ee Shiirkole ee Dhuusomareeb ayaa saxaafadda u sheegey in Xildhibaanada Ahlu-Sunna ay ugu baaqayaan soo xaadirida xaruntaasi mudo 12-saac ah gudahood , haddii aysan soo xaadirinna  ay ku badi doonaa Xildhibaano kale sida ay hadalka u dhigeen.

Sida ay Caasimadda Online ogaatay odayaashaan ayaa wadahaddallo saacado badan qaaatay la yeeshay wasaaradda arrimaha Gudaha oo kulan kaan soo abaabushey, waxayna gunaanadka  kulankooda soo saareen baaq ay u direen 20-ka Xildhibaan ee ka soo galay dhanka Ahlu Sunna Waljamaaca.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lacago aan rasmi loo ogaan tiradeeda u qeybisay odayaashaan, wuxuuna qorshahaan mar ku dhawaaday inuu fashilmo markii ay odayaasha sheegeen inay yar tahay lacagta ay wasaaradda bixin rabto, taasoo keentay in ugu dambeyn la isku fahmo tirada lacagta.

Arrintaan ayaa u muuqata mid sii xoojin karta Khilaafka Xooggan ee ka jira dhismaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo muddo badan u xayirneyd khilaaf u dhaxeeyo Ahlu Sunna iyo Dowladda Dhexe.

Saacado ka hor ayey aheyd markii Xildhibaanada garabka Ahlu Sunna ay soo saareen jadwalka doorasho kale oo ka dhici doonto Dhuusamareeb, waxayna taas muujineysaa heerka ay gaarsiisan tahay xiisadda u dhaxeyso labada garab.

Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa inay Galmudug geyso madaxweyne ay iyada wadato si ay uga fushato danaheeda siyaasadeed ee doorashada la filayo inay ka dhacdo Soomaaliya, waxayna qeyb ka tahay cadaadiska ay ku heyso maamul Goboleedyada dalka.