Kulan caawa Muqdisho uga socda Guddoonka Labada Aqal ee baarlamaanka Somalia

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in caawa uu magaalada Muqdisho kulan aan caadi aheyn uga socdo Guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka Somalia.

Kulanka oo ka duwan kuwii hore ayaa waxaa lasoo sheegayaa inuu ka socdo Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Kulanka caawa socda oo ay goobjoog ka yihiin labada Guddoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waxaa diirada lagu saarayaa khilaafka ka dhashay Mooshinka Jawaari ee heerka xun maraaya.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare iyo Xubnaha ka tirsan golihiisa ee qeybta ka ah kulanka ayaa xooga saaraya si xal looga gaaro khilaafka oo saameyn ku yeeshay shaqooyinka baarlamaanka.

Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Jawaari ku cadaadinaaya inuu qaboojiyo dagaalka afka ah ee uu kula jiro Xukuumada Somalia, waxa uuna ka dalbanayaa inuu muujiyo tanaasul.

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda hardankii ugu danbeeyay ee loogu jiro Mooshinka laga gudbiyay Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

Si kastaba ha ahaatee, waxaan la ogeyn waxa kasoo bixi doona kulanka caawa Villa Hargeysa uga socda guddoonka labada Gole ee baarlamaanka Somalia, waxa uuna kusoo beegmayaa xili ay maalmo yar ka harsan tahay xiliga cod qaadista.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com