Kulankii BF oo hadallo kulul la isku weydaarsaday iyo arrin si gaar ah diiradda loo saaray (Daawo Video)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta muqdisho ku yeeshay kulanka 5-aad ee Kalfadhiga 4-aad.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa shirguddoominayay kullanka maanta,waxaana goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka koowaad Mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey).

Kulankaan oo ay kasoo qeybgaleyn 144 Xildhibaan ayaa waxaa loo qeybiyay warbixin ku saabsaneyd dib u eegista xeer hoosaadka Golaha Shacabka.

Xildhibaan Faarax Cabdi Xasan oo ah Xoghayaha guddiga xeer hoosaadka, anshaxa, Xasaanada iyo daryeelka xildhibaanada ayaa Xildhibaanada u aqriyay warbixinta dib u eegista xeer hoosaadka Golaha iyo meelaha guddiga ay dib u eegista ku sameynayaan.

Ugu danbeyntii,Guddoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ka codsaday iney talooyinkooda ku biiriyaan dib u eegista lagu sameynayo xeer hoosaadka Golaha.

Qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka oo khudbado ka jeediyay Kulankii maanta ayaa waxa ay ka hadleen dilalkii ugu dambeeyay ee dhacay Magaalada Muqdisho,gaar ahaan dhacdadii lagu dilay Aamino Xuseen Xasan oo dhiganeysay Jaamacadda Soomaaliya iyo Ninkii la dilay kadibna la gubay.

Xildhibaanada dilalkaan hadalada kulul ka jeediyey waxaa kamid ah Xildhibaan Jeesow iyo  Xildhibaan Dalxa.

Sidoo kale waxa ay sheegeen xildhibaanada in dhacdooyinkaas Golaha Shacabka uu war ka soo saari doonaan.

Halkaan hoose ka daawo Muuqaalka Xildhibaan Dalxa iyo Jeesow:

Caasimada Online
Caasimada@live.com
Caasimada@live.com