“Labo waddo kaliya ayaa mooshinka Xasan lagu dhameyn karaa, Jaawaarise wuu iska hadlayaa”

Muqdisho (Caasimada Online) – Maanta ayaa la filayaa in magaalada Muqdisho lagu kulmiyo madaxweynaha Soomaaliya iyo xildhibaanada mooshinka ka keenay Xasan Sheikh Maxamuud.

Wadahadalka ayaa waxaa gudoomiyaha baarlamaanka uu sheegay inuu ka furmo doono Xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, waxaana wadahadalka la filayaa iney wanaagsan kasoo bixi doonaan.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari, ayaa ka dalbaday xubnaha baarlamaanka ee mooshinka wada iney kasoo qeyb galaan shirka maanta ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Xildhibaan Axmed Aabi,oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ee mooshinka wada aya sheegay in marnaba aysan ka qeyb galeynin wadahadalka siyaasadeed ee u dhaxeeya baarlamaanka iyo Xasan Sheikh.

Wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay xildhibaan Aabi, hadalkii kasoo yeeray gudoomiye Jawaari oo ahaa in mooshinka lasoo afjaray, laakiin labo qaab ayuu sheegay in mooshinka lagu soo idleyn karo.

Waa tan koowaade uu ku sheegay in maxkamad ay go’aanka xildhibaanada ka hor imaan karto sidaasina lagu joojin karo mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya.

Tan labaad ayuu ku sheegay iney tahay in xildhibaanada ay codka kalsoonida u qaadaan mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya, laakiin gudoomiye Jawaari uusan go’aan cad iska qaadan Karin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com