Laftagareen oo Muqdisho yimid- Sidee loogu qanciyey inuu beddelo mowqifkiisa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa galabta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Cabdicasciis ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxaa kusoo dhaweeyey xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo midka federaalka ah.

Ujeedka safarka Laftagareen ee Muqdisho ayaa ah inuu ka qeybgalo shirka dhawaan Muqdisho uga furmi doono madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe oo maalmihii dambe uu xumaa xiriirkooda.

Laftagareen oo markii hore diiday inuu Muqdisho yimaado ayaa xog ay heshay Caasimada Online waxay sheegeysaa inay wada-hadlaan isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud islamarkaana lagu qanciyey inuu kasoo qeybgalo kulanka Muqdisho ka dhacayo.

Sida xogta sheegeyso, Laftagareen ayaa loo ballan qaaday in lala heshiisiin doono wasiirka diinta iyo awqaafta dowladda federaalka ee Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, oo xiisad xooggan ay ka dhaxeyso, islamarkaana uu aad isaga ilaalinayo.

Laftagareen ayaa loo damaanad qaaday in aysan wax dhibaato ah uga imaan doonin dhinaca Roobow iyo dowladda federaalka Soomaaliya taasoo keentay inuu maanta kasoo dago Muqdisho, sida aan xogta ku helnay.

Sida ay ogaatay Caasimada Online shirkan dowladda dhexe iyo madaxda maamul goboleedyada ayaa qabsoomi doono 11-ka iyo 12-ka Sep. gaar ahaan inta uusan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u safrin magaalada caasimada ah ee Nairobi, halkaas oo uu uga qayb- geli doono caleema saarka madaxweyne William Ruto.

Madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ayaa ka wada-hadli doono arrimo ay ka mid yihiin ismari-waaga taagan maaliyadda, abaaraha iyo dagaalka kooxda Al-Shabaab.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse doodaha miiska saaran ayaa ah kuwa adag, ayadoo maamullada qaarna ay saluug ka muujinayaan hab dhismiskeeda dowladda cusub.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay isbeddel siyaasadeed, kadib doorashadii 15-kii May, taas oo mar labaad xilka madaxweynaha loogu doortay Xasan Sheekh Maxamuud.