Ma dhab baa in xilka laga qaaday Sheekh Shaakir?

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Saacadihii ugu dambeeyay waxaa soo baxayay warar aad looga hadal hayay baraha Bulshada oo la xiriira in xilka laga qaaday madaxa xukuumadda Galmudug.

Qoraal kasoo baxay maamulka Galmudug ayaa lagu sheegay inay been abuur tahay in xilka laga qaaday madaxa Xukuumadda Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Galmudug ayaa u qornaa sidan.

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa beeniyay warar been abuur ah oo ay Facebook la wareejinayaan qolyaha diidan jiritaanka iyo hormarka Galmudug kaas oo ah in Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf uu xilkii ka qaaday Madaxa Xukuumada Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir.

Waxa uu xafiiska Madaxweynaha Galmudug u xaqiijinaya shacabka reer Galmudug in ay waraaqda la wareejinayo Facebook been abuur tahay Dacaayadaas raqiiska ah ee qolyaha naf la caariga ahi wareejinayaana ay ku diidanyihiin Hormarka Galmudug

Ma jiraan wax xil ka qaadis ah waana been abuur waxa jira qolyo isku dayaya in ay qalqal galiyaan Galmudug balse waan la xisaabtami doona dadka doonaya in ay fidnada iyo qalqalka ka dhax abuuran Galmudug mana aqbali doona in sidaa daciifka ah looga faa’iideysto in qalqal la galiyo jiritaanka iyo masiirka Reer Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Galmudug
Caasimada@live.com