Sawir muujinaya C/Weli oo ka guuraya Villa Somalia iyo kuwa beddelaya oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Farshaxaniistaha Caanka ah Amiin Camir ayaa waxa uu Sawir ka turjumaayo kala guurka Xukuumada Somalia ka sameeyay Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia C/weli Sheekh Axmed iyo kuwa xusul duubka ugu jiro xilkaasi.

Sawirka Amiin Caamir ayaa waxa uu muujinayaa sida fudud ee looga kaaftoomay Xukuumadii uu Ra’isulwasaare C/weli hogaaminaayay waxaana Xulista Ra’isulwasaaraha Cusub dadaalkeeda wado Faarax C/qaadir iyo Madaxweynaha Mamaulka Seddexda Gobol oo iyagu dardar galinaayo sidii Ra’isulwasaaraha dalka looga dhigi lahaa laba ruux midkooda Cumar Cabdi Rashiid iyo Xalane oo reer ahaan kasoo jeedo Beelaha xaqa u leh Xubinta Ra’isulwasaarenimo.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bilaabay wadatashiyo la xariira qofka uu u magacaabayo R/Wasaaraha Somalia, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in Xuseen Cabdi Xalane iyo Cumar Cabdi Rashiid ugu cad cad yihiin raga miiska saran midkoodna laga yaabo in uu Noqdo R/Wasaare.

ar