Ma laga maarmay shaqadii loo diray CC Shakuur kadib tallaabadii uu qaaday Xamza?

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada ra’iisul wasaare Xamza oo todobaadkaan yeeshay kulan ayaa diirada lagu saaray arrimaha gurmadka abaaraha xilli ay Soomaaliya weli ku jirto waqti adag oo abaar ah.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo kulanka kadib hadlay wuxuu ujeedka kulanka ku sheegay xoojinta qeyla dhaanta dowladda Soomaaliya ee arrimaha abaaraha iyo in si dhab ah wax looga qabto dhibaatada taagan.

Wuxuu dul istaagay halka uu marayo xaalka dadka ay abaartu saameysay, waxaana gabagabada kulanka lasoo nooleeyey hey’adda maareynta musiibooyinka waxaana la dhisay guddi heer wasiir ah.

Tallaabooyinkaas kadib waxaa baraha bulshada qabsaday su’aalo la xiriira in laga maarmay ergeygii gaarka ahaa ee arrimaha abaaraha oo uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Afar arrimood ayaa muhiim ah in la dul istaago.

Midda koowaad waa ujeedka kulanka

Sida uu Ra’iisul Wasaare Xamza sheegay ujeedka kulanka ayaa ahaa in dowladda Soomaaliya ay muujiso ahmiyadda ay siineyso abaaraha iyo in la xoojiyo qeylo dhaanta. Marka sidaasi loo aqriyo ma jiro culeys badan.

Midda labaad waa soo nooleynta hay’adda maareynta musiibooyinka

Hay’adaan waa mid sharci ah kal hore ayey martay baarlamaanka Soomaaliya, maadaama xilli adag oo abaaro ah lagu jiro waxaa muuqata in baahi loo qabo dib u howlgelinteeda.

In hay’adaan si rasmi ah loo shaqo geliyo waxay dhimi kartaa in gargaarka la musuq-maasuqo oo waxaa la heli doonaa cid lagula xisaabtamo wixii qaldama.

Midda seddexaad waa dhismaha guddiga heerka wasiir ah

Guddiga la shaaciyey oo uu horkacayo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre wuxuu ka kooban yahay 12 xubnood oo kamid ah xukuumadda, hay’adda culumada Soomaaliyeed, rugta ganacsiga, ururada bulshada rayadka ah iyo ergeyga gaarka ah ee arrimaha abaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xamza, oo sharaxay waajibaadka guddigaan, wuxuu sheegay inuu yahay mid u taagan ka shaqeynta gurmadka, taaba gelinta iyo jiheynta arrimaha abaaraha.

Marka intaas la qaato, sida ugu fufud waa in dowladda federaalka ah ay heerkii qeylo dhaanta kor u qaaday oo ergeygii gaarka ahaa lagu kabay wasiiro, culumo, ganacsato iyo qeybaha kale ee bulshada.

Haddaba su’aasha ay dad badan jawaabtau raadinayaan waxay tahay maxay noqon doontaa kaalinta ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan arrimaha abaaraha?

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame waxa uu dhowr jeer sheegay in waajibaadkiisa aysan ku jirin raashin qeybin, si kale markii loo dhaho Warsame wuxuu horey isaga leexiyey maamulidda gargaarka la keeno.

Wuxuu doorkiisa kusoo koobay inuu dadka dhibaateysan dunida wax u weydiiyo. Hay’adda maareynta musiibooyinka qaranka oo fulin ah iyo ergeygaan loo diray inuu dunida u qeylo dhaamiyo isma saameyn karaan.