Maamullada oo soo saaray dalab culus xilli ay DF isku hayaan lacag ka timid dalka…

Baydhabo (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa ugu baaqay dawladda dhexe ee federaalka Soomaaliya in la fasaxo deeqaha loogu talogalay wax ka qabashada abaaraha, oo ah lacag ka timid dibedda oo gaareysa ku dhowaad $10 milyan.

Go’aankan ayaa laga soo saaray shir ay yeesheen Wasaaradaha Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee maamullada Koonfur Galbeed, HirShabeelle, Puntland, Jubaland iyo Galmudug oo 12-kii ilaa 14-kii bishan September 2022 ka dhacay magaalada Baydhaba.

Shirkan ayaa ku soo beegmay xilli xaaladaha bini’aadantinimo ay ka sii dartay welina ay sii kordhayaan walaaca, iyadoo warbixinadii u dambeeyay iyo saadaasha ay muujinayaan isbeddellada welwelka leh iyo khatarta macluusha oo sare u kacday haddii aan wax-ka-qabasho degdeg ah la helin.

Kadib kulamo saddex maalmood ah oo wasiirrada wasaaradaha bani’aadminnimo ay ku yeesheen magaalada Baydhaba ayey ka codsadeen dawladda federaalka in lasoo fasaxo lacag dhan $9.6 milyan oo dollar oo dawladda Imaaraadka Carabtu ay ugu deeqday wax ka qabashada abaaraha.

Dawladda Soomaaliya ayaan markiiba ka jawaabin baaqa kasoo yeeray wasiirrada gargaarka bani’aadaminnimo ee maamul goboleedyada.

Lacagta ay maamul goboleedyada dalbadeyn in la fasaxo ayaa ah middii ay dowladdii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka xayirtay Imaaraadka ee uu dib ugu fasaxay ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, taasi oo markii dambe Imaaraadka ay ku wareejiyeen Rooble, si wax looga qabto arrimaha abaaraha.

Halkaan hoose ka akhriso war murtiyeedka kasoo baxay maamul goboleedyada