Maamulka Ceelbuur state oo eedeeyay madaxda Dowlada iyo Baarlamanka.

Madaxweynaha maamulka Ceelbuur State C/llaahi Xuseen Maalin (Aasbaro) ayaa ku tilmaamay golaha cusub ee wasiirada mid aan cadaalad aheyn oo la doonayo in beelaha Soomaalida la isaga horkeeno, isagoo soo jeediyey in wax laga bedelo.

C/llaahi Xuseen Maalin (Aasbaro) ayaa sheegay in dalku uu weli ku jira hanaan dib u heshiisiineed, loona baahan yahay in la ilaaliyo awood qeybsiga beelaha Soomaaliyeed si loo helo nabad iyo sinaan, hase ahaatee aysan waxba ku hagaagi doonin in beelaha qaarna ay ka mid noqdaan golaha wasiirada kuwo la mid ahna la qadiyo.

“Soomaalia waxaa weli ka socda dib u heshiisiin, haddii ay taas jirtana waxaa loo baahan yahay in la ilaaliyo hanaanka awood qeybsiga beelaha si dib u heshiisiinta ay u taaba gashom hase ahaatee haddii beelaha qaarkood ay isku arkaan in la liiday kuwa la mid ahna ay xilal heleen dib u heshiin ma dhici karto” ayuu intaa ku daray C/llaahi Xuseen Maalin (Aasbaro).

Madaxweynaha maamulka Ceelbuur State C/llaahi Xuseen Maalin (Aasbaro) ayaa ku eedeeyey xildhibaanada beesha Murusade ku metelaya Baarlamanka iney ka gaabiyeen sidii ay xuquuqda beesha uga soo dhicin lahaayeen madaxda dowlada.

“Waxaan ku baaqayaa in waxgaradka beesha Murusade iney ay iskugu yimaadaan kulan si looga tashado aayaha beesha, laguna bedelo dhamaan xildhibaanada beesha ku metelaya baarlamanka maadaama ay gudan waayeen waajibaadkii loo xilsaaray” ayuu intaa ku daray C/llaahi Xuseen Maalin (Aasbaro).