Maamulka gobolka Banaadir oo soo rogay ganaaxyo LACAG oo nooc cusub ah

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo saaray awaamiir cusub oo gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho ka mamnuucaya waxkasta oo xad-gudub ku ah nadaafada, bilicda iyo xoolaha baadida ee iska dhex socda caasimadda.

Go’aamada kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in la ganaaxi doono hadda kadib guri kasta oo ku xad-gudba bilicda caasimada lacag dhan $20, halka meherada ganacsadaha la ganaaxi doono lacag dhan $30.

“Si loo dardar-geliyo bilicda iyo nadaafada waxa guddoomiyaha gobolka Banaadir soo saaray wareegto ku aadan dardar-gelinta nadaafada iyo dib u soo celinta bilicda magaalada Muqdisho oo ku socota agaasimaha guud, guddoomiyeyaasha degmooyinka, dadweynaha ku nool gobolka iyo taliska ilaalinta deegaanka Xamar.”

Wareegtada kasoo baxday xafiiska guddoomiye Filish ayaa waxaa lagu sheegay in xoolaha baadida ee iska dhex socda caasimada la qaban doono, islamarkaana cidda iska leh laga qaadi doono ganaax lacageed.

“Wixii hadda ka dambeeya xoolaha baadida ah ee lagu soo qabto magaalada Muqdisho waxaa laga qaadi doona ganaax iyo calafka Xoolaha mudada la hayo. Xoolaha baadida ah ee magaalaada laga qabto neefka Geela waxa la ganaaxi doona $25, Lo’da $20, Aragi $10,” ayuu yiri.

Go’aamadan ayaa imanaya xili maalmihii lasoo dhaafay roobab mahiigan ah ka da’ayeen magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, kuwaasi oo biyo dhigay qaar kamid ah waddooyinka waaweyn iyo jidadka xaafadaha.