Jeesow: Jubaland laba arrin ha u hoggaansanto

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo uu khilaaf Siyaasadeed ka dhex aloolsan yahay DF Somalia iyo Maamulka Jubbaland, ayaa waxaa arrimahaasi si kulul uga hadlay Guddoomiye ku-xigeenka guddiga Arrimaha Gudaha BF Somalia Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Xildhibaan Jeesow, ayaa sheegay in Maamulka Jubbaland ay Maamulada kale u horseedeyso burburinta shuruucda dalka, waxa uuna ka digay in Jubbaland ay ku sifowdo astaamaha Qaran dumiska.

Waxa uu sheegay in DF Somalia ay dooneyso inay waxbadan ka bedesho hanaanka lagu hogaaminaayo Siyaasada Somalia, balse ay waxbadan ka qabsoomi la’ yihiin Maamulka Jubbaland oo doonaya in sharciga dalka ay ka dhigaan mid iyaga u gaar ah.

Xildhibaan Jeesow oo ka duulaya Siyaasada dalka, ayaa waxa uu laba arrin hordhigay Madaxda Maamulka Jubbaland waxa ayna kala yihiin inay u hogaansamaan awaamiirta Masuuliyiinta DF Somalia iyo inay shaaca ka qaadan waxa uu yahay Mowqifkooda, si go’aan cad looga gaaro.

Xildhibaan Jeesow ayaa soo hadal qaaday doorashadii Madaxtinimo ee Maamulka Jubba dhawaan dhacday waxa uu ku tilmaamay mid aan xalaal ahayn sidaas daraadeed loo baahan yahay in Maamulka Jubba ay dib isugu noqdaan Mas’uuliyiintooda ayna ka qeyb galiyaan adeegyada maamulka iyo howlihiisa bulshada deeegaanadaasi.

Dhinaca kale Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa ugu baaqay shacabka ka soo jeeda deegaanada Jubbooyinka in ay midoobaan ayna meel uga soo wada jeestaan aayahooda taasina ay ku gaari karaan maamul fiican in ay sameystaan.

Hoggaamiyaha Maamulka Jubba oo mar kale dhawaan loo doortay Maamulkaasi ayaa lagu eedeeyay in afduub uu ku heyso hoggaanka maamulkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com