Maamulka PUNTLAND oo qaaday tallaabo ay uga hortagayso Coronavirus

Garoowe (Caasimada Online) – Taliska Booliska Puntland ayaa ku dhawaaqay go’aan cusub oo looga hortagayo cudurka halista badan ee Coronavirus.

Taliyaha guud ee Booliska Puntland, Generaal Muxidiin Axmed Muuse oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa amray in haatan wixii ka dambeeya deegaanada maamulkaasi aan la geyn karin dharka la soo isticmaalay ee loo yaqaano Huudheyda.

Sidoo kale taliyaha ayaa tilmaamay in go’aankaan uu yahay mid looga hortago cudurka Coronavirus ee sida deg-dega ah ugu sii faafaya guud ahaan caalamka.

Muxidiin Axmed Muuse ayaa sidoo kale carabka dhuftay inay tallaabo adag ka qaadi doonaan cid-kasta oo jabisa amarkaasi, isagoo ka dalbaday ciidamada inay fuliyaan.

“Go’aanka lagu joojiyay Huudheyda waa mid lagu ilaalinayo caafimaadka bulshada, waa in la qaataa awaamiirta laga soo saarayo kahor tagga caabuqa Coronavirus, si taasi looga badbaado waa la iska ilaaliyaa dharka la soo isticmaalay ee Huudheyda.” ayuu yiri taliyuhu.

Tallaabada ay qaaday Puntland ayaa ku soo aadeysa, iyadoo kiisas la xariira caabuqa Coronavirus laga helay wadamada Kenya iyo Itoobiya oo daris la ah Soomaaliya.

Cudurkaan oo ah mid dilaa ah ayaa markiisii hore ka soo bilowday wadanka Shiinaha, wuxuuna ku baahay dalal badan oo ku yaalla caalamka intiisa kale.