Shariif Xasan oo u jawaabay Maamulka Ogaden

Baydhabo (Caasimada Online) – Maamulka Koofur Galbeed ayaa u jawaabay maamulka Beesha Ogaadeen ka dhistay degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool, kaasi oo kaliya ka kooban sedded degmo oo gobolka Bakool ka tirsan.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta maamulka koofur galbeed oo wariyaasha la hadlay ayaa sharci daro ku tilmaamay in hal beel ay maamul ka dhisto deegaano iyo degmooyin ka tirsan maamulka Koofur Galbeed.

Wuxuu tilmaamay wasiir ku xigeenka warfaafinta Koofur Galbeed Xasan Cabdi Maxamed, in magaalada Ceelbarde ay dhawaan u magacaabeen gudoomiye degmo, ayna kala hadlayaan xaalada degmada iyo waxyaabaha ka jiro.

Si cad ayuu u sheegay ineysan marnaba aqbaleynin maamulkaasi hab beeleedka ku dhisan ee looga dhawaaqay magaalada Ceelbarde ee gobolka Bakool.

“Degmada Ceelbarde waxaa ay ka mid tahay Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Maamul ayaa Koofur Galbeed ugu Magacaaban halkaasi oo Guddoomiye ayey leedahay,Macquulna ma ahan in Maamul Sharci daro lagu dhisay halkaa laga hirgaliyo”ayuu yiri Xasan Cabdi Maxamed.

Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan ayaa waxaa ka dhaxeeya dagaal hoose oo siyaasadeed, waxaana ay u muuqataa Axmed madoobe inuu ka aargutay buuqii lagu furay xiligii lasoo xulayay baarlamaanka maamulka koofur galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com