SOMALILAND oo ka qayb qaadanaysa gurmadka loo fidinaayo reer Puntland

Hargeysa (Caasimada Online) Maamulka Somaliland ayaa maanta oo Talaado ah sheegay in ay ka qayb qaadan doonaan gargaarka loo fidinaayo dadkii ay barakiciyeen roobab dabeylo watay oo da’ay deegannada Puntland.

Wasiiradda arrimaha dibedda iyo gudaha ee Maamulka Somaliland ayaa shir jaraa’id wadajir ugu qabtay Hargeysa, waxaana ay sheegeen in Somaliland ay ka tacsiyeeneyso dadkii ku dhintay roobabkaas dabeelaha watay ee ku dhuftay Puntland seddaxdii cisho ee la soo dhaafay.

Wasiirka arrimaha dibedda Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in Somaliland ay ka qayb qaadan doonto gurmadka la siinaayo Puntland.

Sidoo kale wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-Cadde ayaa isna sheegay in ay ka xun yihiin dadka ku dhintay roobabkaas, wuxuu kaloo sheegay in Somaliland aysan ka hagran doonin walaalahood Puntland wixii ay ku caawin karaan.

Wasiir Waran-Cadde ayaa dhinaca kale sheegay in roobab xoogga oo 24-kii saac ee la soo dhaafay ka da’ay deegannada Somaliland uu ku dhintay hal qof isla markaana ay burburiyeen guryo badan.

Wasiirka ayaa sheegay in la xiray Madaarka weyn ee Cigaal ee Hargeysa kaddib markii roobka uu aad darsaday maanta galinkii dambe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

Caasimada@live.com