Maamulka SOMALILAND oo sameeyey wacad adag oo ku saabsan TALEEX

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa ka warbixiyay qabsashada ay qabsadeen magaalada Taleex ee gobalka Sool, waxaana ay wacad ku mareen inaysan ka bixi doonin.

Afhayeenka ciidamada millitariga maamulka Somaliland Korneel Cismaan ayaa sheegay in u jeedka ay utageen magaalada uu yahay siddii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen xildhibaan Cali Khaliif Galeyr oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uul ka tirsan maamulka u shaqeeya QM.

Wuxuu sheegay in labadaas nin ay magaalada ka wadeen dhibaatooyin ah in ay iska hor keenaan umadda ku dhaqan magaalada.

Wuxuu sheegay oo kale in ciidamada ay u tageen magaalada siddii ay u soo qaban lahaayeen labadaas nin balse ay xaley magaalada ka baxsadeen isagoona intaas ku daray in ku raad joogaan.

Wuxuu sheegay in Taleex ay ka mid tahay dhulka uu ka arrimiyo Somaliland.

Mar la weydiiyay in wax iska hor imaad ah uu magaalada ka dhacay markii ay ciidamada galeen wuxuu tilmaamay in magaalada lagu soo dhaweeyay oo ay kula kulmeen odayaal iyo dadweyne fara badan oo soo dhaweeyay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

Caasimada@live.com