Maareeye oo ka hor-yimid bayaankii ay xildhibaanada Dir kula safteen xukuumadda

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa si adag uga hor-yimid Bayaan ay shalay soo saareen qaar kamid ah xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, kuwooda ka soo jeeda gobollada Woqooyi ee Somaliland.

Maareeye iyo garab uu hogaaminayo oo iskugu jira xildhibaano, odayaal iyo siyaasyiin ay isku mowqif yihiin ayaa sheegay inay ka xun yihiin qaabkii loo soo abaabulay qaar kamid ah xildhibaanada goboladaasi oo shalay sheegay in xukuumadda federaalka ay u wakiisheen inay soo magacaawdo xubnaha Somaliland ku meteli doona guddiyadaas.

Sidoo kale waxa ay shalay xildhibanadaasi ganafka ku dhufteen dalabkii gudoomiyaha Aqalka Sare ee ahaa ‘in xubnaha Somaliland ku metelaya guddiyada doorashada iyo xalinta khilaafaadka ee heer federaal ay iyagu soo magacaabi doonaan’.

Maareeye oo maanta war-saxaafadeedkaasi soo saaray ayaa isaguna sheegay in qodobadii shalay kulankoodii ka soo saareen Xildhibaanadaasi aanay waxba ka jirin oo sharciyad ku fadhiyin.

“Anigoo ku hadlaya Magacayga Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), magaca Xildhibaanada labada gole ee Dir Waqooyi ee aanu isku mowqifka nahay iyo magaca musharaxiinta, madax dhaqameedka iyo bulshada midnimada u taagan ee Dir Waqooyi ee aan codkooda gudbin karin ee ilaa xalay na soo wacayey iyagoo ka xun qaabkii loo soo abaabulay ama ay u hadleen qaar ka mid ah Xildhibaanadii ay doorteen afar (4) sano ka hor, waxaanu halkan ku cadeynaynaa in qodobadii ay shalay kulankoodii ka soo saareenXildhibaanadaasi aanay waxba ka jirin oo sharciyad ku fadhiyiniyo garab uu hogaaminayo oo ka kooban” ayuu ku yiri qoraalkiisi Maareeye.

Maareeye ayaa sidoo kale sheegay in xildhibaanada kulankaasi yimid ay ahaayeen kuwo ay ka dambeeyso dowladda federaalka, oo culeys ku saareysa inay taageeraan rabitaankooda, si markale ugu soo laabtaan kuraastood, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay inuu jiro heshiis uu ansixiyey baarlamaanku, oo dhigaya in xukuumaddu ay u madax-banaanato maamulada kuraasta Dir-Waqooyi, kaasi oo ay shalay cuskadeen xildhibaanadii garab istaaga u muujiyay dowladda.

“Waxay sheegeen in heshiiskii Barlamaanku ansixiyey ee golaha Wadatashiga uu ku jiray qodob dhahaya Dir Waqooyi waxaa maamulaya Xukuumadda, taas oo aanay waxba ka jirin (waxaa halkan ku lifaaqan heshiiskii Barlamaanku ansixiyey)” ayuu yiri.

Maareeye iyo xubnaha uu sheegay inuu ku hadlayo afkodoa ee kasoo jeeda beelaha waqooyi ayaa taageero xoogan u muujiyey in doorashada xildhibaanadooda loo raaco habraacii doorashooyinka ee 2016-kii, kaasi oo ay dhawaan soo jeedisay Madasha Xisbiyada Qaran.

“Xildhibaanada shalay kulmay waxay ku xadgudbeen sharciyada uu nagu xukumo iyo sharafka adeerkood Cabdi Xaashi Cabdilaahi oo ay sheegeen in aanu haysan sharciyad uu gudiga doorashooyinka noogu magacaabo!!!, anagoo ka xun waxaanu u sheegaynaa in uu sharciyada ku haysto”.

Ugu dambeyntiian waxa war-saxaafadeedkaasi lagu sheegay in Dir-Waqooyi uu hogaankooda u sareeya uu yahay Gudoomiye Cabdi Xaashi, isla markaana ay u daba fadhiisanayaan inuu soo magacaabo guddiga doorashada ee matalaya gobollada waqooyi.

Si kastaba, Kuraasta beelaha Waqooyi ee Somaliland ayey xiisad xoogan ka taagan tahay, maadama ay Siyaasiyiinta beelahaasi ay ku kala qeybsan-yihiin cida magacaabeysa guddiga doorashadooda oo ay isku hayaan xukuumada iyo guddoomiyaha golaha aqalka sarre.