Maareeyihii garoonka Muqdisho oo xil wareejinta diidan kadib markii uu…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wareegto 06 April 2017 kasoo baxday Xafiiska Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa waxaa xilka looga qaaday Maareeyihii Garoonka Aadan Cadde, Aadan Cabdi Ashkir.

Ra’isul wasaaraha ayaa xilkaasi u magacaabay Yuusuf Cabdi Cabulle ”Yuusuf Jaale”, waxaana soo baxaaya warar sheegaya in Ashkir uu ka biya diidan yahay inuu wareejiyo xilka.

Maareeyihii Garoonka Aadan Cadde ee xilka laga qaaday Aadan Cabdi Ashkir, ayaa ku andacoonaaya in xilka uu ku wareejin karo Wareegto Madaxweyne, waxaana jira warar sheegaya in muran uu galiyay xilka.

Mas’uuliyiinta xilalka laga qaaday ayaa waxaa qaarkood xili hore lagu magacaabay Wareegto Madaxweyne halka qaarna lagu magacaabay Wareegto Ra’isul wasaare.

Maareeyaha cusub Yuusuf Cabdi Cabulle ”Yuusuf Jaale”, ayaan wali gaarin Garoonka Aadan Cadde si xilka uu ula wareego, sababo la xiriira diidmada Maareeyihii hore.

Ma cadda go’aanka dhanka Xukuumada ee diidmada xil wareejinta Maareeyihii hore Aadan Cabdi Ashkir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com