Macallin MAXAMUUD oo isaga baxay Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha guud ee ururka Ahlu Sunna Waljamaaca Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ayaa maanta ka duulay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, isaga oo u ambabaxay dhanka magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in Shiikha uu Garoowe uga sii gudbi doono magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaas oo uu kulamo ka bilaabi doono.

Sidoo kale ka bixitaanka Dhuusamareeb ee Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa timid kadib markii uu xalay la kulmay madaxweynaha Galmudud Axmed Qoor Qoor, isagoona la sheegay inuu ka dalbaday inuu gaaro magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal.

Arrintaan ayaa meesha ka saareysa dalabkii dowladda federaalka oo diyaarad u dirtay Dhuusamareeb, si loogu soo gacan galiyo hoggaanka Ahlu Sunna loona keeno Muqdisho.

Galmudug ayaa u muuqata inay haatan gashay xaalad kale oo cusub, kadib markii laga adkaaday Ahlu Sunna oo in muddo ah is hayeen hoggaanadii soo maray maamulkaasi.