Madax Muqdisho ku huursan guul ma ka keeni karaan DAGAALKA Al Shabaab?

Muqdisho (Caasimada Online) – Sanado badan ayuu socdaa dagaalka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab. Madaxda dowladda waxay badi sheegaan inay dagaal qaadayaan, balse waxaa durba kugu soo dhici karta goorma ayuu dagaalka Al-Shabaab joogsaday?

Afartii sanaba hoggaamiye cusub ayaa madax ka noqda dowladda Soomaaliya, kaasi oo shaqada ugu weyn ee u taalla ay tahay inuu ciribtiro kooxda Al-Shabaab, balse aan dhicin.

Laakiin mid kamid ah su’aalaha aan weli laga jawaabin waa madax Muqdisho fadhisa guul ma keeni karaan Al-Shabaab oo xooggeeda uu jiro  gobollada?

Dadka Soomaalidu waxay qaarkood qabaan inay adag tahay in natiijo wax ku ool ah laga keeno dagaalka Al-Shabaab inta madaxdu ku leyrsaneyso magaalada Muqdisho.

Iyadoo aad loo dhaliilsan yahay khibradda hoggaanka ciidanka dowladda Soomaaliya, haddana in madaxdii ay guubaabadoodii Muqdisho la fadhiyaan waa mid kamid ah caqabadaha dheereeyey dagaalka, ayey leeyihiin qaar kamid ah dadweynaha.

Waxaa jirta soo jeedin ku wajahan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare Xamze Cabdi Barre, soo jeedintaan waxay ka dhalatay kalamadooda maalmahaan soo noqnoqtay ee ah dagaal qaadista.

Dadka waxay badi ugu baaqayaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha inay ka baxaan caasimadda oo ay dagaan gobollada ay Al-Shabaab ku xooggan yihiin oo ay halkaas ka hoggaamiyaan dagaalka.

Haddii aysan labadooda wada bixi karina in midkood uu guuro oo uu ku dhawaado jiidda hore ee dagaalka, ayaa kamid ah soo jeedinada.

Ciidanka dowladda inta badan way kasoo noqdaan furimaha dagaalka, deegaankooda ayaa u badan magaalada Muqdisho, soo laabadashadaan waxay inta badan dhashaa in Al-Shabaab dib ugu soo noqoto goobihii laga saaray taas oo musalsal ka dhigtay dagaalka.

Balse waxaa la aaminsan yahay in haddii ay madaxdu dagto magaalooyinka u dhow furimaha dagaalka inay adkaan doonto inay ciidanku soo noqdaan.

Haddii aan la helin madax naf hur ah, dad badan ayaa qaba inaan laga adkaan karin kooxda Al-Shabaab. mid kamid ah tijaabooyinka naf hurnimada ah ayaana loo arkaa inay madaxdu furinta dagaalka tagaan ama ay dagaan magaalooyinka u dhow si ciidanka niyad u helaan.

Madaxweyne Xasan Sheiekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre waxay heystaan fursad ay taariikhda diiwaan wanaagsan uga geli karaan waana soo afjarista Al-Shabaab dagaal iyo wada-hadal middii ay noqotaba.

Soomaaliya waxaa ugu diiwaan wanaagsanaan doona siyaasigii soo afjara Al-Shabaab, waa kalmad soo noqnoqata, lama oga sida ay Xamza iyo Xasan taas ugu diyaarsan yihiin, laakiin waxay dhowr jeer ku celceliyeen sida ay uga go’an tahay in dagaal rasmi ah lala galo kooda Al-Shabaab.