Madaxda DF iyo maamul gobaleedyada oo u dacwo tegay beesha caalamka iyo Yamamoto oo hanjabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Beesha Caalamka ee shalay ka qeyb-galay shirkii Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ayaa dhageystay cabashooyin iska soo horjeeda oo ay isu jeediyeen madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul Gobaleedyada.

Khudbado ay jeediyeen Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland ayaa ahaa dacwad ka dhan ah dowladda iyo eedeyn toos ah, taas oo ku dhaceysay dhagaha xubnaha beesha Caalamka.

Ra’iisul Wasaaraha, ku-xigeenkiisa, Qoor Qoor iyo Lafta Gareen ahaa sidoo kale ahaa tiirarka ugu weyn ee shirka ku soo bandhigay tabashooyinka laga qabo labadaas maamul iyo mucaaradka kale. Sidoo kale waxay dowladda ka difaaceen eedaha loo soo jeediyay.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa yiri “Jabhad iyo maleeshiyaad ayaa qabsaday Gedo waa in laga soo saaraa si doorasho loo qabto.”

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa u jawaabay Madaxweynaha Jubbaland waxa uuna “ waa inuu raali gelin ka bixiyaa Axmed Madoobe hadalkiisa ah in Jabhad qabsatay Gedo, ciidanka jooga Gedo, waa ciidanka qaranka Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sidoo kale madasha ka sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka baxday qaar ka mid ah qodobada heshiiska la galay. “Heshiisku waxa uu ahaa in Cabdi Xaashi soo magacaabo guddiyada dooranayo Xildhibaanada Waqooyi, in ciidamada laga saaro Gedo iyo qodobo kale,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Safiirka Dowladda Mareykanka oo dhageestay cabashada dhinacyada Soomaalida ayaa ku hanjbay in Mareykanka uu talaabo adag ka qaadi doono qof kasta oo doorashada qal-qal gelisa iyo masuulkii fulin waayo qodobadii lagu heshiiyay. Sidoo kale Safiirka UK ayaa sidaas oo kale madaxda Soomaalida u jeediyay hadalo kulul oo digniin ah.

Prof. Cali Saciid Maxamuud Kulane oo kamid ah aqoonyahaanada Muqdisho ayaa sheegay in hogaamiyaasha Soomaalida dhaxdooda is xalin waayeen, islamarkaana ay u cabasho tageen beesha Caalamka.

“Kulankii shalay waxaa ka muuqatay in ay dacwo iska ahaayeen hogaamiyaasha Soomaalida markii ay ku guul dareesteen in ay is xaliyaan, waa la canaantay waxaana laga filayaa in ay isbadalaan,” ayuu yiri Kulane.

“Ceeb weyn ayey aheyd in sidaas loola hadlo waxey aheyd in ay iyaga is xaliyaan,” ayuu yiri Prof Cali Saciid Maxamuud.