Madaxda DF Soomaaliya oo ‘wada-hadallo qarsoodi ah ka galaya’ muranka badda

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in ay jiraan Warar oo soo baxayay maalmihii ugu dambeeyay, islamarkaana Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ay doonayaan in ay wadahadal kala yeeshaan Kiiska Badda dowladda Kenya.

Waxaa uu sheegay in Madaxda dowladda Soomaaliya laga doonaayo in aysan wada hadal la furan dowladda Kenya, taasoo halis ka galinkarta Kiiska badda Soomaaliya.

“Waxaa jiro xogo isi soo taraya oo tibaaxaya in madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya ay wadaan kulamo qarsoodi ah oo ay ku doonayaan inay qorqortan iyo wadahadal ka galaan qadiyadda badda ee nagala dhaxeysa dowladda aan dariska nahay ee Kenya, qadiyadaaso ah qadiyad qarameed iyo mid umadeed hortaalna Maxkamadda Cadaaladda Aduunka” ayuu yiri Guuleed.

Madaxweynihii hore ee Galmudug ayaa uga digay Madaxda Qaranka in ay wax gorgortan iyo wadahadal ah ay ka galaan taako ka mid ah gayiga iyo dhulka Soomaaliyeed.

“Hadda waxaan masuuliinta dowladda ugu baaqeynaa ogana digeynaa in wax gorgortan iyo wadahadal ah ay ka galaan taako ka mid ah gayiga iyo dhulka Soomaaliyeed, dhowraana madaxbanaanida iyo midnimada bariyeed, badeed iyo cireed ee dalka, aysanna luminin taageerada iyo kalsoonida dowladnimo ee ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan, ayagoo garwaaqsanaya in qadiyadda badda uu ka soo gaaray madax horay ugu sinbiririxayday ee aan ka fiirsan dhaawacyo iyo barro siyaasadeed ee madow oo ma hadho ah” ayuu yiri Markale Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com