Madaxtooyada Jubaland oo si rasmi u jartay xiriirka dhamaan hay’adaha DF

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Jubbaland ayaa mar kale ku dhawaqay in si gaara ay u hakiyeen xiriirka kala dhexeeyay dhowr Hay’adood oo ka tirsan dowlada dhexe ee Somalia ilaa iyo amar danbe.

War kasoo baxay Madaxtooyada maamulka ayaa lagu sheegay inuu soo xirmay xiriirka Hay’ado muhiima oo ka tirsan dowlada kuwaa oo haya shaqooyinka ugu badan ee maamulada.

Qoraalka oo si gaara uga soo baxay Xafiiska Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Jubbaland Axmed Xasan ayaa waxaa lagu sheegay in hakinta wada shaqeynta Hay’adahaasi oo aan la xusin ay timid kadib markii dowlada Dhexe ay ka weecatay xeendaabka.

“Waxaanu qireynaa in Jubbaland ay si rasmi ah maanta u hakisay xiriirkii wada shaqeeneyd ee kala dhexeeya hay’ado gaara oo ka tirsan dowlada Dhexe”

“Jubbaland kama raali noqon doonto dulmi kaga imaada dowlada dhexe, waxa ay ka doorbideysaa inay hakiso xiriirka dhamaan Hay’adaha sida gaarka ah ay u wada shaqeyn jireen ee dowlada”

“Hay’adaha maamulka Jubbaland waxaanu fareynaa inaysan shaqo la wadaagi Karin Hay’adaha dhigooda ah ee dowlada dhexe”

Madaxtooyada Jubbaland ayaa fartay dhammaan hay’adaheeda dowligga ah in la hakiyo wadashaqayntii ay la lahaayeen hay’adaha iyo Wasaaradaha Dawladda Federaalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo ka duulaya degdega maamulada ayaa 17 ilaa 18 bishan shir deg deg ah isugu yeeray madaxda maamul goboleedyada.

Arrintan ayaa waxa ay timid kadib shirkii Sabtidii ina dhaaftay lagu soo gaba gabeeyay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbalada Hoose, kaasi oo ay yeesheen madaxda dowlad goboleedyada oo sheegay inay hakiyeen xiriirkii dowladda.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com