Madaxwayne Xasan “Dowladdayda Shareecada Diinta Islaamka ayaa hogaan u ah oo ay ku dhaqmeysaa”

Madaxwaynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladiisa ay dadka Soomaliyeed ay ku dhaqi doonto Shareecada Islaamka.

Xasan Sheekh oo ka hadlayay Masjid ku yaala Xarunta Madaxtooyada Vila Soomaaliya ayaa sheegay in waxa ugu horeeya ee uu qaban doona ay tahay inuu ka dadaalo in wax walbo uu aas aas ugu dhigo Sharaceeda uuna ka hortagi doona waxii aysan raali ka ahayn.

Madaxwaynaha Soomaaliyaa ayaa ka shanqariyay in qofkii wax dila  Isagana la dili doono,waxaana uu meesha ka saaray in qabyaalad lagu siidayo ruuxa dilka ka gaystay.

Arinta dilka uu Madaxwaynaha uu ka dhawaajiyay ayaa waxa ay Imaanaysaa iyadoo ciidamada dowlada ay dad rayid ah maalin walba ay ku dilaan magaalada Muqdisho taas oo aysan jirin cid kula xisaabtanta.

Isbadalada Madaxwaynaha iyo ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ay keentay in Maxkamada ciidamada qalabka sida ay yarayso xukunada lagu qaado Askarta dadka rayidka ah waxyeelaya.