Xasan Sh. oo shaaciyey qorshe socda oo lagu mideenaayo SOOMAALIWEYN

Muqdisho (Caasimda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxammuud oo maanta khudbad dheer ka jeediyay xildhibaannada baarlamaanka oo fadhi ku lahaa xarunta baarlamaanka ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah.

Madaxweynaha wax yaabaha uu ka hadlay waxaa ka mid ahaa xildhibaannada mooshinka ka keenay, wadahadallo u socda dowladda iyo maamulka Somaliland kuwaasoo la doonayo in dib loogu soo celiyo midnimadii Soomaaliya iyo qorshaha hiigsiga 2016 ee la rabo in doorasho ay ka dhacdo dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xilligan aan loo baahneen mooshino laga keeno mas’uuliyiinta dowladda oo uu isaga ka mid yahaym wuxuuna xildhibaannada ka codsaday in ay ka shaqeeyaan siddii dalka uu u gaari lahaa horrumar.

Madaxweynaha ayaa xusay in jiraan labo mowqif oo iska soo horjeedo kuwaasoo ay ka mid yihiin himilooyinka horrumarka ee ka jirra Soomaaliya kaasoo loo baahan yahay in la horrumariyo.

Muuqaalka kale ayaa ah in Soomaaliya lagu magacaabo Argagixiso, Burcadbadeednimo, ma shaqeestayaal iyo arrimo kale ayuu yiri.

Madaxweynaha wuxuu kaloo sheegay haddii la rabo in wax la dhaliilo in qof kaliye aan eeda loo saarin ee dhammaan hey’adda dowladda la qiimeeyo cidda eeda lehna loo saariyo eedooda.

Madaxweynaha wuxuu dhaliilay xildhibaanno dhawaan beesha caalamka ku dacweeyay madaxweynaha kuwaasoo yiri madaxweynaha wuxuu la saftay mid ka mid ah maleeshiyo beeleedyada ku dagaallamaya gobalka Shabeellaha Hoose.

Madaxweynaha wuxuu yiri beesha caalamka waxbo uma qabaneyso dalka marka laga reebo in ay curyaamiso.

Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday 14-kii qoddob ee ka soo baxay baarlamaanka Soomaaliya loo soo jeediyay ee ahaa in uu ku fashilmay

Xasan Sheekh ayaa ka hadlay wadahadallada u socda dowladiisa iyo maamulka Somaliland wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in wadahadalladaas looga gun lee yahay siddii dib loogu soo celin lahaa midnimadda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka hadlay rajada uu ka lee yahay in doorasho ay ka dhacdo dalka sannadka marka uu yahay 2016-ka wuxuuna muujiyay niyad jab marka loo eego sidda ay hadda wax u socdaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in waqtiga u harsan dowladda uu aad yer yahay isla markaana baarlamaanka looga baahan yahay in ay canuuftooda dib u ceshtaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com