Xasan Sheikh oo caddeeyey arrin lagu eedeeyey xildhibaanada barlamanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay in xildhibaannada qaar ee baarlamaanka ay la kala safteen maleeshiyo beeleedyo dhawaan ku dagaallamay gobalka Shabeellaha Hoose.

Xasan Sheekh Maxammuud ayaa tilmaamay in arrimihii laga soo gudbay ee dagaallada iyo beelaha in ay xildhibaannada qaar dib u soo celinyaan “Waana ayaan darro” ayuu yiri

Madaxweynaha ayaa xildhibaannada baarlamaanka ku eedeeyay in shaqadooda dhan ku koobeen mooshin iyo dhaliilo aan sal lahayn oo loo jeediyo madaxda dowladda.

Wuxuu sheegay oo kale in kulamada baarlamaanka ay soo dhammeestirmaan marka la rabo in wax la dhaliilo ama madaxda dowladda la duro.

Madaxweynaha waxaa kaloo u sheegay in dhaliilo loo soo jeediyay dowladiisa uu isaga qaadanaayo isla markaana uu diyaar u yahay in wixii badal u baahan la badali doono.

Ugu dambeyn Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in xildhibaannada baarlamaanka looga baahan yahay in ka faa’ideestaan waqtiga harsan oo ay qabtaan wax yaabo horrumar leh oo dalka iyo dadka anfacaya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com