DHAGEYSO: Madaxweynaha oo hadal taariikhi ah ka jeediyay Kismaayo

Madaxweynaha J.F Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay gaaray magaalada Kismaayo  ayaa maanta Jaamacadda kismaayo kula hadlay odoyaasha dhaqanka ee gobollada jubbooyinka iyo boqolaal dadweyne ah.

Madaxweynaha ayaa khudbad dheer  oo dhinayo badan taabaneeyso u jeediyay dadkii isugu yimid jaamacadda kismaayo.

Qaar ka mid ah odoyaasha dhaqanka ee gobollada jubbooyinka oo ka hadlay goobta ayaa madaxweynaha ku ammaanay booqashada uu ku yimid magaalada Kismaayo iyo dadaalka uu ku doonayo in dadka ku nool gobolladda dalka uu uga dhaadhiciyo siyaasadda dowlada federaalka,islamarkaana uu uga xog wareysto dhibaatooyinka ay qabaan.

Guddoomiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Shiikh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in xarunta jaamacada kismaayo mudo 9 bilood ah ay fadhiyee ergadii soo dhistay maamulka KMG ah ee Jubba.

Axmed Madoobe ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka codsaday in uu soo xiro shirkii kismaayo eelagu soo dhisay maamulka KMG ah ee Jubba si ergadu ay uga qeyb galaan shirka dib u heshiisiinta ah oo ay dowlada soomaaliya ku qabaneeyso magaalada muqdisho.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in uu rajeynayo in shirka dib u heshiisiinta ee muqdisho ka furmayo lagu soo afjaro khilaafaadka ka dhex jira dadka wada dega gobolladda Jubbooyinka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu danbeeyntii ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in maanta laga bilaabo uu shirkii kismaayo xiranyahay ergooyinkii ka qeyb galayna loo baahanyahay in ay yimaadaan magaalada muqdisho,si ay uga qeyb galaan shirka dib u heshiisiinta ah oo la filayo in uu ka furmo magaalada muqdisho,si loogu dhameeyo khilaafaadka ka jira gobolladda jubbooyinka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowlad la,aan iyo maamul la,aan aysan noolaan Karin dadka deegaanka,taasina uu cadawgu uga faa’ideeysanayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in loo baahanyahay in dadka ku dhaqan gobolladda Jubbooyinka loo sharaxo heshiiskii ka dhacay magaalada Adis Ababa si u ogaadaan waxyaabihii lagu soo heshiiyay.

Madaxweynaha iyo wafdiga la socdo ayaa sidoo kale maanta booqasho indh-indheyn ah ku tagey dekadda magaalada Kismaayo,isagoo ku soo wareegay qeybaha ay ka koobantahay.

Madaxweynaha ayaa warbixin ku aadan qaabka ay u shaqeyso dekadda magaalada Kismaayo ka Dhageystay maamulka Dekadda.

Halkan ka dhageyso hadalka Madaxweynaha