Museveni oo QM u diray codsi muhiim u ah Soomaaliya

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musavani ayaa ka dalbaday golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey in cunaqabataynta hubka laga qaado Soomaaliya, si dowlada Soomaaliya awood ugu yeelato sugida amniga dalkeeda.

Hadal kooban oo madaxweyne Musaveni uu jeediyay kadib kulan uu la qaatay dhigiisa Soomaaliya madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Uganda ayuu sheegay inay muhiim tahay in golaha amaanka ee QM ay Soomaaliya ka qaadaan cunaqabataynta hubka ee saaran.

Madaxweynaha Uganda wuxuu sheegay in si dowlada Soomaaliya ay awood ugu yeelato sugida amniga ay muhiim tahay inay hesho awood ciidan oo dhameystiran, taas oo ku xiran in laga qaado cunaqabataynta hubka ee mudada dheer saaran.

“Anigoo taageersan dadaalada Qaramada Midoobey ee xasilinta Soomaaliya, hadana waxaan si wadajir ah u codsanaynaa in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta hubka, si ay awood ugu yeelato in amniga mas’uul ka noqoto,” ayuu yiri madxaweynaha Uganda.

Sidoo kale qoraal wadajir ah oo ay soo saareen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Uganda ayay beesha caalamka uga codsadeen inay taageeraan ciidamada Soomaaliya, si amniga dalka loo xoojiyo.

November sanadkii hore ayay xubnaha golaha ammaanka u codeeyeen in Soomaaliya lagu sii hayo cunaqataynta hubka ee saran, inkastoo horay loo qafiifiyay, wuxuuna goluhu mar kale ka fariisan doonaa arrintaan bisha November ee soo socoda.