Madaxweyne Farmaajo oo QORAAL deg deg ah kasoo saaray doorashada KENYA

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa dhambaal hambalyo ah oo deg deg ah u diray Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya William Ruto, kadib markii goordhow lagu dhawaaqay natiijada rasmiga ah ee doorashada.

Farmaajo ayaa ‘nabad, horumar iyo xasillooni’ u rajeeyey hoggaaminta Kenya ee William Ruto iyo ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua oo galabta guddiga doorashooyinka dalkaas ay shaaciyeen inay ku guuleysteen doorashada.

“Waxaan dhambaal hambalyo u dirayaa Madaxweynaha la doortay ee Dowladda Kenya Mudane William Samoei Ruto iyo Ku-xigeenkiisa Mudane Rigathi Gachagua, oo ku guulaystay doorashooyinkii Madaxtinimo ee ka dhacay dalkaas, aniga oo u rajaynaya nabad, horumar iyo xasillooni,” ayuu ku yiri qoraalkaan uu soo saaray Farmaajo.

Waxa xusid mudan in Farmaajo uu dagaal culus oo siyaasadeed la galay Kenya, ugu yaraan seddaxdii sano ee ugu dambeysay xukunkiisii Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta, labaduba waxay xafiisyada baneeyeen iyagoo dagaashan oo ku kala tegay siyaasadda, sanado badana aan yeelan wax cilaaqaad ah.

William Ruto oo ahaa madaxweyne ku-xigeenkii hore ee dalka Kenya ayaa ku guuleystay hoggaaminta dalkaas ee 5-ta sano ee soo socota, sida uu ku dhawaaqay guddiga doorashooyinka dalkaas, waxaana xusid mudan in dhowr xubnood oo ka tirsan guddiga doorashada ay diideen natiijadaan la shaaciyey.

William Ruto ayaa helay codad dhan 7.18 milyan oo u dhiganta 50.49%, halka uu musharaxii kale ee Odinga uu helay 6.94 milyan oo cod oo u dhiganta 48.85%, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Wafula Chebukati.