Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo laga helay Covid-19

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici ayaa waxaa laga helay cudurka Coronavirus/Covid-19 ee sida weyn ugu baahay dalka, kadib markii uu shalay iska baaray cudurkaas.

Saylici ayaa shalay baaritaan uu sameeyay waxaa lagu xaqiijiyey in laga helay cudurkaas, ayada oo saddexdii maalmood ee u dambeeyay uu qabay, sida uu sheegay.

“Waxaan rabaa inaan ogeysiiyo shacabka Somaliland in layga helay COVID-19 seddexdii maalmood ee ugu dambeysay waan qabay,” ayuu ku yiri Saylici qoraal kooban oo uu dhigay bartiisa twitter-ka.

Waxa uu bulshada reer Somaliland ku booriyey inay raacaan awaamiirta Wasaaaradda caafimaadka ee cudurka Coronavirus, islamarkaana ay u dhago nuglaadan tallooyinka caafimaad. 

Dhawaan unbay aheyd sidoo kale markii cudurkaan laga helay Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Somaliland iyo Wasiirka Maaliyada, Sacad Cali Shire oo iyaguna ka tirsan xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi.

Cudurka safmarka ah ee Coronavirus ayaa waxa uu si weyn ugu soo labo kacleeyay dalka, ayada oo toddobaadyadii u dambeeyay laga diiwaan geliyay gudaha Soomaaliya kiisaskii ugu badnaa.

Dowladda Soomaaliya ayaa shalay heshay qaybtii ugu horreysay ee tallaalka COVID-19, waxaana bilaabatay qeybinta tallaalkan oo uu shaki badan dul hoganayo.