Madaxweyne Maxaa kuu haray?, mar haddii aad…………!!!!

Madaxaweyne Xasanoo Maxaa kuu haray mar hadaad ra’iisal wasaarihi magacaabi weysan tahay. Maxaa kuu haray mar hadaad Kismaayo maamul umagacaabi kari weysay. Maxaa kuu haray mar hadaad xabashida gobalada ka saari weysan tahay, intaa oo ahayd qodobada ugu muhiim sanaa ee isbedelka dhacay laga filayay inuu si deg dega u hirgeliyo, laakiin waxa aan aragno weli waa sidoodii.

Mar hadii Mahiga lala tashanaayo oo Faroolane Puntland kasoo hadlaayo sidii dawlad madaxbanaan, Maxaa cusub ee madaxweynuhu la yimid oo uu kaga duwanyahay Shariifkii laga qeylshay.

Mudane Madaxweyne qodobka koowaad ee aad ilaalisaa ha noqdo haybada qaranka iyo tan madaxweynaha, hadii intaa aad ka gaabiso oo aad Mahiga iyo wasiirada Uganda iyo wax lamid ah aad meel la fariisato aadna kala tashato aayaha qarankeena, waxaa dhici doonta in lagu sharfo daayee in aan magacaaga laguugu yeerin sidii kuwii kaa horeyeeyay oo dadku quursadeen.

Tan labaadna waa inaad go’aan adag oo geesinimo leh aad ka qaadataa arimaha xasaasiga ee qaranka aadna cidna uga heybeysan go,aankaaga waayo Somalia maanta adaa u sareeyo mana tihid ra’iisal wasaare la casaliyo sidii Farmaajo.

Waxan idaacadaha ka maqlayay nin afayeen u ah jabhada Raskambooni oo si anshaxa ka fog madaxweynaha ula hadlayay, wuxuuna sheegay in aan Muqdisho wax maamula looga soo magacaabeyn oo Nairobi ay ka sugayan maamul gobeleed. Aaway afhayeenadii madaxtooyada mexey si kulul ugu jawaabi waayeen si madaxweynaha go,aankiisa ay hordhac ugu noqdaan mise maba jiraan !!!

Waxaan rabnaa dawlada ku dhisan xafiisyo isla shaqeeya islana jaanqaada oo aanay dhicin in madaxweynihii dalka uu aflagaadeeyo wasiir Kenyan ah, madaxweynaha uu jawaab baqasho leh ku celiyo sidii hore u dhacday xiligii Shariif. Taasi maaha dawladnimo, madaxweyne maanta fursadaad heysataa ee is gaar intaan lagu gaarin.

Gunanad:

Madaxweynaha asaa dalka u taliyo waa inuu go.aan ka gaara
-Magacaabista ra’iisal wasaaraha uu doonayo ama kan ay shacabku rabaan.
-Maamul u sameynta Kismaayo iyo gacan ku haynta dhaqaalaha Kismaayo.
-Inuu dedejiyo ka bixtaanka xabashida gobalada ay dalka ka joogaan
-Ka talinta dhamaan arimaha dalka iyo maamul gobaleedyada. Intaas waa su,aalaha ugu ad adag ee horyaala madaxweynaha oo xalkeeda looga fadhiyo

Alow Somalia noo dhowr 
WQ: C/rashiid Soomaali.
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan, wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online.