Madaxweyne Qoor Qoor oo loogu baaqay inuu is-casilo

Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Galmudug Cabdikaafi Maxamed Maxamuud ayaa ugu baaqay madaxweynaha maamulkaas Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor inuu is-casilo.

Cabdikaafi ayaa sheegay in muddadii uu xilka hayey Qoor Qoor ay Galmudug sameysay dib u dhac aad u wayn, taasi oo ay ugu wacan tahay in siyaasadihii madaxweynaha ay fashilmeen, sida uu hadalka u dhigay.

“Dagaalo qabiil ayaa deegaanka ka abuurmay markii uu Qoor Qoor yimid, Xananbuuro, Guriceel iyo Matabaan, iyo deegaano kale oo nabdoonaa ayaa hadda wada colaad ah,” ayuu yiri Cabdikaafi.

“Ma dhicin in Galmudug reeraha dagan ay gaaraan heerkaan, in wax garad la laayo,” ayuu yiri, isaga oo tixraacayey dilal aanooyin ku dhisan oo deegaanka ka billowday.

Cabdikaafi Maxamed Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in deeqihii caalamiga ahaa intii uu joogay Qoor Qoor aan waxba loogu qaban dadka dagan Galmudug, sidaas darteedna xalka Galmudug uu ku jiro inuu is-casilo madaxweynaha.

Wasiirkii hore ayaa intaas ku daray in Qoor Qoor uu shaqaale u noqday Villa Somalia, uuna iska hilmaamay shaqadii reer Galmudug ay u dhiibteen.

Cabdixakiin Cilmi Xasan
Nairobi, Kenya
cabdixakiin441@hotmail.com