Madaxweyne Qoor Qoor oo soo saaray digniin culus

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo hadal ka jeediyey kulan tacsi loogu sameynayey saraakiishii qeybta 21-aad ee qaraxii Gaalkacyo lagu dilay, ayaa u hanjabay dadka taageera Al-Shabaab.

Qoor Qoor ayaa si adag ugu goodiyey dadka u nugul amarrada Al-Shabaab ee ku sugan deegaanada Galmudug iyo dad uu sheegay inay buun-buuniyaan goobaha ay qabsadaan Al-Shabaab, kuwaas oo uu ku tilmaamay ‘damiir laaweyaal’ sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan rabnaa kuwa dhibaatada argagixisada buun-buuniya, kuwa fariimahooda u hoggaansama oo is leh amey si gaar ah kuu dhibaateeyaan ama qaarkood dano raqiisa ka leh, waxay noola mid yihiin Al-Shabaab,” ayuu yiri Madaxweyne Qoor Qoor.

Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Kuwa mar kasta yiraahda Shabaab ayaa meel hebla qabsaday, Shabaab ayaa saas yeelay, waa maan-laaweyaal aan garaneyn waxa ay ku hadlayaan, waxuu rabaa cadawgaas inuu dadka u xayeysiiyo, isagoo si xun u fekeray.”

Waxa uu sheegay in maamulkiisu uusan ogolaan doonin, in dadka lagu qal-qal geliyo tallaabooyinka ay qaadaan Al-Shabaab, isla markaana farriimahooda iyo dalabkooda aan loo hoggaansami karin.

“Kii xoola ku bixiya, kii waqti ku bixiya, kii u taga, dhibaatada ay dalka ku hayaan ayuu qeyb ka yahay, dadka ayuu dhinaciisa ka dhibayaa, waana la xisaabtameynaa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor.