Madaxweyne Xasan Sheekh oo jawaab ka bixiyey dalabkii golaha wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo wareegto soo saaray ayaa ka jawaabay dalabkii Golaha Wasiirada Xukuumadda ee ahaa dhismaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa magacaabay guddiga maamulka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka oo ka kooban 5 xubnood, isaga oo faray inay gutaan shaqada loo igmaday.

Halkan hoose ka aqriso:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo tixraacaya go’aanka shirka Golaha Wasiirrada ee Sumaddiisu tahay SHGW.00.01.08.202 ayaa wareegto Madaxweyne ku soo saaray Xubnaha Guddiga Maamulka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SODMA).

Madaxweynaha ayaa tilmaamay mudnaanta ay dowladdu siinayso howlaha gurmadka iyo samata-bixinta dadkeenna dhibaateysan, waxa uuna Golaha Xukuumadda ku bogaadiyey ansixinta iyo soo gudbinta Xubnaha Guddiga Maamulka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka oo Goluhu cod buuxa ku ansixiyay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka duulaya codsiga Xukuumadda, gaar ahaan Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-U-Heshiisiinta Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa wareegto Madaxweyne ku soo saaray Guddiga Maamulka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka oo kala ah;

  1. Mudane Maxamuud Macallin Cabdullaahi – Guddoomiye
  2. Dr. Axmed Cabdi Aadan – Guddoomiye Ku-Xigeen
  3. Mudane Cabdirashiid Maxamuud Xasan – Agaasime
  4. Marwo Luul Axmed Coloow – Agaasime
  5. Mudane Cabdirisaaq Axmed Cali – Agaasime

Madaxweynaha ayaa u rajaynaya Guddigan in Alle uu u fududeeyo gudashada masuuliyadda Qaran ee loo xilsaaray, isagoo kula dardaarmaya in ay si daacad ah oo hufan ay ugu adeegaan dadkooda Soomaaliyeed iyo dalkooda.

DHAMMAAD