Madaxweyne Xasan Sheekh oo si kulul uga hadlay dilka Ikraan, dalbaday hal arrin

Muqdisho (Caasimada Online)  – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul uga hadlay dilka Ikraan Tahliil, oo ay ha’yadda NISA sheegtay inay ku baxday gacanta Al-Shabaab, halka ay iska fogeysay kooxdu dilkaas.

Madaxweynihii hore ee dalka ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay in aan la aqbali karin in tuhmanayaasha kiiska Ikraan ay ka noqdaan garsoorayaal.

“Kiiskan waxaa hareeyay mugdi iyo shaki laga qabo dhinacyada ku lugta leh, sidaas darteed waa in baaris madaxbannaan lagu sameeyo. Lama aqbali karo in tuhmanayaashu garsoorayaal ka noqdaan,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu dalbaday in kiiskaas oo uu mugdi iyo shaki badan hareeyay loo saaro guddi madax-banaan, islamarkaana lagu sameeyo baaris aysan shaqo ku laheyn dhinacyada lugta ku leh.

Hadalka madaxweynihii hore ayaa imanaya xili uu Golaha Midowga Musharaxiinta ay shaaciyeen inaysan ku qancin qaabka loo shaaciyey geerideeda, ayaga oo ka dalbaday ra’iisul wasare Rooble in uu si deg deg ah u soo faro-gasho kiiskaas, xilalkana ka qaado hogaanka hay’adda NISA.

Kiiska Ikraan Tahliil ayaa galay marxalad aad u xasaasi ah, kadib markii ay hay’adda Nabadsugida shaacisay inay gabadhu ku baxday gacanta Al-Shabaab, oo ayadu iska fogeysay kooxdu arrintaas, waxaana maanta magaalada Beledweyne ka dhacay afduub aargudasho ah oo loo gaystay wiil dhallinyaro ah, oo aan wax dambi ah galin.