Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarunta Pentagon-ka lagu soo dhoweynayo maanta

Pentagon, Virginia (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la kulmaya xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Lloyd Austin, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Pentagon-ka.

“Xoghayaha difaaca Mareykanka waxa maanta oo Khamiis ah madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kusoo dhoweyn doonaa Pentagon-ka saacadda marka ay ay tahay 12:30 PM [7:30 PM xilliga Muqdisho], kulankaas oo ah oo ah xoojinta xiriirka labada dhinac,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Austin. 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xalay gaaray magaalada Washington oo uu maalmo joogi doono.

Kadib Austin waxa uu la kulmi doonaa mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Mareykanka, isaga oo sidoo kalena habeenka Jimcaha kulan la qaadan doono jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobollada Virginia, Maryland iyo Washington DC.

Waxa uu kadib aadi doonaa magaalada New York, halkaasi oo uu kaga qeybgeli doono shirweynaha golaha guud ee QM, oo la filayo inuu khudbad ka jeediyo. 

Kulanka Austin ayaa astaan u ah sida dowladda Mareykanka u daneyneyso arrimaha Soomaaliya, ugana go’an tahay inay gacan siiso dowladda federaalka Soomaaliya.

Maamulka madaxweyne Joe Biden ayaa bishii May amray in Soomaaliya dib loogu celiyo 700 oo askari oo gacan siin jiray dowladda federaalka, kuwaas oo uu dalka ka saaray madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, bishii Janaayo ee 2021.