Madaxweynihii dunida ugu faqiirsanaa oo iska diiday guno lasiin lahaa (Sababta)

Madaxweynihii hore ee dalka Uruguay José Mujica oo loo yaqiinay ‘madaxweynaha adduunka ugu faqiirsan” sababo la xiriira qaab nololeedkiisa sahlan, ayaa sheegay in uusan u baahnayn gunnada gaboowga ee uu siin lahaa Aqalka Sare ee dalkaas.

Maalintii talaadada ayuu iska casilay xildhibaanimada Aqalkaas, taas oo uu soo hayay illaa sanadkii 2015-kii, kolkaas oo ay dhamaatay mudadii 5ta sano ahayd ee uu hayay xilka madaxweynenimada.

Mujica ayaa sheegay in uusan dhamaysan karin muddo xilleedka Aqalka Sare ee ku siman 2020-ka, maadaamaa uu aad ugu daalay safarkii dheeraa ee shaqada usoo galay.

Ninkan oo horey u ahaa hoggaamiye jabhadeed oo garabka bidix ah ayaa hadda jira 83 sano.

Warqadda is casilaadiisa ayuu u gudbiyay guddoomiyaha Aqalka Sare Lucía Topolansky, oo sidoo kale ah madaxweyne ku xigeenka dalka, islamarkaasna ah xaaskiisa muddo 13 sano ah.

Markii uu jabhadka ahaa, wuxuu ahaa nin aad hadalka u heli og, af yaqaana ah, wuxuuse hadda raaligalin u jeediyay dhammaan dadka laga yaabo in uu waxyeelo u geystay.

Waxa uu si gaar ah raaligalin u siiyay sanadkii 2013-kii, madaxweynihii hore Néstor Kirchner “nin indhaha ka cawaran”.

Waxaa aad loogu xusuustaa noloshiisii iska caadiga ahayd markii uu madaxweynaha ahaa, isaga oo diiday in uu ku noolaado qasriga madaxtooyada.

Waxa uu deeq ahaan u bixiyay inta badan mushaarkiisii madaxweynenimada, waxana kaliya ee uu haystay waxa uu ahaa gaari Volkswagen ah oo 1987-dii warshadu soo saartay.

ISHA BBC