Maleeshiyada beesha Habargidir oo la sheegay in aan laga soo saari doonin Marka & qorshihii DF oo fashil u dhow

Marka (Caasimada Online) – Ugaas Cali Xaashi oo ka mid ah Odayaasha Golaha Dhaqanka ee Beesha Habargidir, ayaa waxa uu sheegay inaan Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose, aan laga soo saari doonin maleeshiyada Beesha Habargidir.

Ugaas Cali Xaashi, ayaa sheegaaya in Beesha Habargidir ay ka mid tahay beelaha Somaliyeed ee degga Gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ee Magaalada Marka.

Wuxuu kaloo iftiimiyay in Magaalada Marka aysan xilligaan jirin sabab looga soo saari karo maleeshiyada Beesha Habargidir, ka gadaal markii uu sheegay in ay iska qabteen maleeshiyo kale, oo ay xasilooni kaga jooggi kari waayeen Magaalada Marka, sida uu yiri.

Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga ee Soomaaliya General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa dadaal ugu jira in maleeshiyada Beesha Habargidir uu ka soo saaro Magaalada Marka, kuna wareejiyo Ciidan isku dhaf ah, oo Sabtidii la geeyay Marka.

Ugaas Cali Xaashi, ayaa Wasiirka Gaashaandhiga ugu baaqay in uu Maxkamad horkeeno Gudoomiyihii Magaalada Marka Maxamed Cismaan Cali (Yariisow), si loogala xisaabtamo buu yiri dadkii uu ku laayay Magaalada Marka. Laakiin aynaan ka hor maleeshiyada Beesha Habargidir Dowladda ku wareejin doonin Magaalada Marka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in maleeshiyada Beesha Habargidir lagu khasbay inay dagaalamaan, oo ay ka soo muuqdaan Magaalada Marka iyagoo hubeysan, ka gadaal markii Yariisow uu ku eedeeyay inuu joojin waayay beegsiga dadka ku nasab-sheegta Beesha Habargidir.

Hadalka ka soo yeeray Ugaas Cali Xaashi, ayaa xoojinaaya sida Beesha Habargidir ay kaga biyo diidan tahay in gacan ku haynta Magaalada Marka, ay ku wareejiso Dowladda Federalka ee Somaliya.

Dadaalo uu Ra’iisal Wasaaraha Somaliya Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed, uu ku doonaayay in Beesha Biimaal uu dib ugu wareejiyo Maamulka Magaalada Marka, ayaan ilaa iyo hadda suurta gelin.

Hadalkaan, ayuu Ugaas Cali Xaashi ku sheegay wareysi uu siiyay Idaacada SKY NEWS ee Magaalada Muqdisho.

Isha: Dhacdo