Man City oo kusoo biirtay hardanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka A.Madrid Falcao.

Tababaraha kooxda Manchester City Roberto Mancini ayaa xooga saari kara inuu gegeda Vicente Calderon kasoo kaxeysto Falcao, kaasoo  qeyb ka ahaa guushii ay axadii Atletico Madrid ka gaartay kooxda Malaga, laakiin gudoomiyaha kooxda ka dhisan caasimada Spain ayaan ka welwel qabin qiimaha uu kaga dhaqaaqi karo xidigoodu.

Weeraryahanka, ayaa lala xiriirinayaa inuu bisha Janaayo u dhaqaaqi karo kooxda heysata horyaalka England Premier League ama Chelsea, ka dib markii uu daqiiqadii lixaad shabaqa ku hubsaday karoos uu ka helay Emre, isagoona kooxdiisa u diray inay hugaanka La Liga wadaagaan Barcelona.

Ninka reer Colombia ayaa si aan caadi aheyn loola xiriirinayaa inuu mar un ka ciyaaro England, laakiin gudoomiyaha Atletico Enrique Cerezo kama welwel qabo mustaqbalka 26 jirkaan, inkastoo uu Tababare Mancini daawaday kulankii ka dhacay Madrid.

“Waan ognahay inuu Mancini daawanaayey ciyaarta laakiin wuu xasiloon yahay mawduuca Falcao,” ayuu Cerezo u sheegay Cadena Ser.

“Waxaan qiyaasayaa in Mancini uu halkaan u yimid inuu guri ka raadsado Malaga,” ayuu sidoo kale isagoo dhoola cadeynaya goor dambe u sheegay Canal+.

Falcao ayaa xilli ciyaareedkaan dhaliyey 11 gool, marka lagu daro sedaxleydii uu ka dhaliyey Chelsea Finalkii 4-1 ku dhamaaday ee European Super Cup.

Goolashiisa ayuu sii wataa ciyaaryahankii hore ee FC Porto, kaasoo sanadii hore 36 gool dhaliyey tartamada oo dhan.